Thursday, June 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda cadaaladda  XFS oo furtay wadatashi ku saabsan dib ugu biirista heshiiska caalamiga ah ee la dagaalanka Musuqa+Sawirro

admin by admin
September 9, 2020
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan wadatashiga ah ee Ku saabsan hirgalinta istiraatiijiyada qaran ee la dagaalanka musuq maasuqa iyo sidoo kale dib ugu biirista heshiiska caalamiga ah ee la dagaalanka musuqa ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka furay sii hayaha wasiirka cadaaladda xukuumadda Ababuukaate Xasan Xuseen Xaaji.

Kullanka oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno ka socday dowlad goboleedyada dalka, xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda,xafiiska  hanti dhowrka guud  ee qaranka,Bankiga dhexe,xafiiska xeer ilaalinta iyo Booliska,  kuwaasi oo inta badan shaqadoodu tahay arrimaha nidaamka maaliyadda Dalka iyo la dagaalanka Musuqa.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

June 5, 2025

Sii hayaha wasiirka cadaaladda dalka Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in wasaaraddu ay xoogga saareyso shuruucda lagu hagayo arrimaha cadaaladda, la dagaalanka musuqa iyo sidoo kale in  dib loo soo celiyo xiriiradii caalamiga ahaa ee la dagaalanka musuq maasuqa.

Golaha wasiirada xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa 4-tii  bishii lixaad ee sanadkaan ansixiyay xeerka istaraatiijiyada qaran ee la dagaalanka musuq maasuqa ee 2020-2023, waxaana muddooyinkaan sii kordhayay kiisaska la xiriira maxkamadeynta dad loo heystay musuqa oo ay ka midyahiin masuuliyiin ka tirsanaa hay’addaha dowladda iyo ganacsato.

Xeerkaan ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda Cadaaladda dalka oo qorshaheedu yahay  in wax laga qabto arrimaha musuqa.

Previous Post

WARBIXIN: XUQUUQDA XAYAWAANKA IYO NAXARIIS LA,AANTA BINI’AADAMKA

Next Post

Xeer ilaaliye gaar ah oo loo magacaabay baarista dilalka wariyaasha iyo tacadiyada loo gaystay

Next Post
Xeer ilaaliye gaar ah oo loo magacaabay baarista dilalka wariyaasha iyo tacadiyada loo gaystay

Xeer ilaaliye gaar ah oo loo magacaabay baarista dilalka wariyaasha iyo tacadiyada loo gaystay

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

June 5, 2025
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Guddoomiyaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka...

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In