Monday, June 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Xudur Oo Dhagax Dhigay Ceel Laga Hirgelinayo Magaalada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Maamulka Degmada Xudur Oo Dhagax Dhigay Ceel Laga Hirgelinayo Magaalada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Xudur ayaa dhagax dhigay Mashruuc lagu dhisayo Ceel-riig laga hirgelinayo mid ka mid ah xaadafadaha ku yaala Xudur.

Dhagax dhigaan waa qeyb ka mid ah mashaariic lagu hormarinayo biyaha iyo fayadhoorka, waxaana fulinteeda iska kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hay’ada IOM. .

Related posts

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026

Sidoo kale mashruucan waxaa qeyb ka ah dayactir iyo dhismo lagu samaynayo ilaa afar ceel biyood oo kan maanta la dhagax dhigay uu yahay Ceel-riig loo samaynayo Haanweyn iyo laba baraak oo xoolaha biyo ka cabaan, ceelkaan waxa biyaha ka soo saaraya korontada dhelisa soolarada cadceedda ku shaqeeya oo loogu talagalay sida ay noo Sheegeen Cabdi Saalax Axmed oo ka socda hay’adda IOM waaxdeeda biyaha iyo isuduwaha Wasaaradda tamarta iyo biyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Gobolka Bakool Cabdullaahi Nuur Oomane.

Waa mashruuc ahmiyad gaar ah u leh bulshada reer xudur sababtoo ah magaalada ma lahan biyo gelin ee weli xaafadaha waxa biyaha geeya gaari dameerada halka dadka qaar aan awoodin ay dhabarkooda ku dhaansadaan.

Guddoomiyaha Xafiiska dib u dhiska degmada Xudur Cabdirisaag Isaak Saajin iyo Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin oo dhagax dhigey mashruucaan ceelriiga looga faa’ideysanayo oo u mahadceliyey Wasaaradda biyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo hay’adda IOM ayaa sheegay in degmada Xudur u baahan tahay biyo gelin dhamaan xafadaha lawada gaarsiinayo.

Previous Post

AMISOM oo sheegtay in ay dardargalineyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Next Post

Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed Oo Wadatashi Looga Hadlayey Qabyo-Qoraalka Sharciga Naafada Ku Soo Gabagabaysay Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed Oo Wadatashi Looga Hadlayey Qabyo-Qoraalka Sharciga Naafada Ku Soo Gabagabaysay Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed Oo Wadatashi Looga Hadlayey Qabyo-Qoraalka Sharciga Naafada Ku Soo Gabagabaysay Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb...

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In