Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Oo Sheegay In Wasaaraddu Ay Waddo Diiwaangelinta Gaadiidka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Oo Sheegay In Wasaaraddu Ay Waddo Diiwaangelinta Gaadiidka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa waddo qorshe lagu diiwaan gelinayo gaadiidka, leysamada iyo diyaarinta mashruuc ku saabsan badqabka Nabad gelyada gaadiidka oo lagu hubinayo gawaarida jajabka ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Cali Gacal Gaabow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in qeybta gaadiidka dhulka ee Wasaaradda ay haatan meel gabo gabo ah u marayo diyaarinta qorsheyaal dhowr ah oo lagu hubinayo gaadiidka.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

โ€œQorshaha ugu weyn hadda aan wadno waxa ay tahay inaan sameyno xarun lagu mideynayo, diiwaan gelinta iyo taargooyinka gaadiidka iyo helidda xogta gaadiidka, kaasi oo laga hirgelin doono dhamaan xarumaha dowlad goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliyaโ€. Ayuu yiri Agaasime Gacal.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa tilmaamay in bulshada inteeda badan marka ay raadinayaan warqadda ogolaanshiyaha wadista gaadiidka aysan ogoleen inay sharuucda si sax ah u maraan, isagoo intaa ku daray in Wasaaradda ay markasta adkeyneyso ku dhaqanka sharciga.

โ€œWaxaan bulshada Soomaaliyeed ka codsaneynaa in qofkasta uu dhowro nidaamka iyo habraaca shaqo ee hayโ€™adaha dowladda, wey jirta culeysyo badan oo iska jira, balse anaga waxaa naga goโ€™an inaan si hufnaan ah ugu adeegno bulshada howlaha aan u haynoโ€. Ayuu yiri Mudane Cali Gacal Gaabow.

Mudane Cali Gacal Gaabow ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay ku howlantahay horumarinta garoomada diyaaradaha dalka, tababarsiinta shaqaalaha ka shaqeynaya dhanka Amniga iyo helidda adeegyada looga baahanyahay garoomada diyaaradaha.

โ€œWasaaradda waxa ay qeyb ka tahay qorshaha Qaranka ee sagaalaad oo ah qorshe balaaran soconaya shan sano, sanadkiisa koowaad ayaan ku guda jirnaa, halkaasina waxaa noogu diyaarsan hal beegyo ay Wasaaradda ka duuleyso oo ku saleysan howlaha horyaallaโ€. Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Cali Gacal Gaabow.

Previous Post

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Diiwaan Gelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha โ€œSAWIRROโ€

Next Post

Dowladda Oo Shacabka Iyo Ganacstada Soomaaliyeed Ugu Baaqday In Loo Gurmado Shacabka Iyo Dowladda Suudaan

Next Post
Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Diiwaan Gelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha โ€œSAWIRROโ€

Dowladda Oo Shacabka Iyo Ganacstada Soomaaliyeed Ugu Baaqday In Loo Gurmado Shacabka Iyo Dowladda Suudaan

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In