Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Oo Sheegay In Wasaaraddu Ay Waddo Diiwaangelinta Gaadiidka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Oo Sheegay In Wasaaraddu Ay Waddo Diiwaangelinta Gaadiidka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa waddo qorshe lagu diiwaan gelinayo gaadiidka, leysamada iyo diyaarinta mashruuc ku saabsan badqabka Nabad gelyada gaadiidka oo lagu hubinayo gawaarida jajabka ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Cali Gacal Gaabow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in qeybta gaadiidka dhulka ee Wasaaradda ay haatan meel gabo gabo ah u marayo diyaarinta qorsheyaal dhowr ah oo lagu hubinayo gaadiidka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Qorshaha ugu weyn hadda aan wadno waxa ay tahay inaan sameyno xarun lagu mideynayo, diiwaan gelinta iyo taargooyinka gaadiidka iyo helidda xogta gaadiidka, kaasi oo laga hirgelin doono dhamaan xarumaha dowlad goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya”. Ayuu yiri Agaasime Gacal.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa tilmaamay in bulshada inteeda badan marka ay raadinayaan warqadda ogolaanshiyaha wadista gaadiidka aysan ogoleen inay sharuucda si sax ah u maraan, isagoo intaa ku daray in Wasaaradda ay markasta adkeyneyso ku dhaqanka sharciga.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed ka codsaneynaa in qofkasta uu dhowro nidaamka iyo habraaca shaqo ee hay’adaha dowladda, wey jirta culeysyo badan oo iska jira, balse anaga waxaa naga go’an inaan si hufnaan ah ugu adeegno bulshada howlaha aan u hayno”. Ayuu yiri Mudane Cali Gacal Gaabow.

Mudane Cali Gacal Gaabow ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay ku howlantahay horumarinta garoomada diyaaradaha dalka, tababarsiinta shaqaalaha ka shaqeynaya dhanka Amniga iyo helidda adeegyada looga baahanyahay garoomada diyaaradaha.

“Wasaaradda waxa ay qeyb ka tahay qorshaha Qaranka ee sagaalaad oo ah qorshe balaaran soconaya shan sano, sanadkiisa koowaad ayaan ku guda jirnaa, halkaasina waxaa noogu diyaarsan hal beegyo ay Wasaaradda ka duuleyso oo ku saleysan howlaha horyaalla”. Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Cali Gacal Gaabow.

 

Previous Post

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Diiwaan Gelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Oo Shacabka Iyo Ganacstada Soomaaliyeed Ugu Baaqday In Loo Gurmado Shacabka Iyo Dowladda Suudaan

Next Post
Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Diiwaan Gelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha “SAWIRRO”

Dowladda Oo Shacabka Iyo Ganacstada Soomaaliyeed Ugu Baaqday In Loo Gurmado Shacabka Iyo Dowladda Suudaan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In