Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Masar oo dowr ku leh heshiis maxaabiis is-weydaarsi ah oo u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil

admin by admin
September 12, 2020
in Wararka
0
Masar oo dowr ku leh heshiis maxaabiis is-weydaarsi ah oo u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Islaamka ee (Xamaas) Ismaaciil Haniya ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay xilligan dhex-dhexaadin ka waddo Xamaas iyo Israa’iil si ay u gaaraan heshiis cusub oo ku saabsan is dhaafsi maxaabiis.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii koox suxufiyiin ah ay Haniya wareeysi kooban kula yeesheen magaalada Beyruut jimcihii shalay, waxuuna arrinkan ka dhawaajiyay mar uu ka jawaabayay su’aal ay weydiisay Wakaalladda Wararka ee Anatolia.

Related posts

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

September 10, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025

Haniya ayaa sheegay in Xamaas ay soo dhaweyneyso dadaallada Masar ay ku dooneyso in la gaaro heshiis cusub oo ku qotoma is-weydaarsi Maxaabiis, waxayna muujiyeen in rajo wanaagsan ay ka qabaan dhankooda.

“Walaalaha Masar waxay daba gali donaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiis laga gaaro go’doominta saran marinka Rafax, iyo isdhaafsiga maxaabiista u kala xeran Xamaas iyo Israa’iil” ayuu yiri Haniya.

Madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas ma uusan caddeyn in wax horumar ah oo horay looga gaaray arrimaha isdhaafsiga maxaabiista ee u dhaxeeya dhaq dhaqaaqa Xamaas iyo Israa’iil.

Dhaq dhaqaaqa Xamaas ayaa xirtay Afar Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Yahuuda markii Ciidamada Israa’iil ay qabsadeen marinka Qaza sanadkii 2014-kii.

Sida wararka ay sheegayaan Jimcihii shalay wafdi ka socday sirdoonka Masar ayaa ka amba baxay Qaza iyaga oo ku sii jeeday Talaabiib, socdaalkan ayaana qeeyb ka ahaa sida la sheegay waan-waanta Masar ay hor kaceeysa ee  ku saabsan isdhaafsiga maxaabiista Xamaas iyo Israa’iil ay kala haystaan.

Tarjume: Cismaan Caqiil

 

 

Previous Post

Wada-hadallada nabadda Afgaanistaan ​​oo goordhow ka furmay Dooxa.

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah-furay hirgelinta mashruuca Soolar-ka+SAWIRRO

Next Post
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah-furay hirgelinta mashruuca Soolar-ka+SAWIRRO

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah-furay hirgelinta mashruuca Soolar-ka+SAWIRRO

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya (GERD) oo ay goob...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

September 10, 2025
0

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In