Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Trump “Weerar kasta oo Iiraan ay ku qaaddo Mareykanka waxay la kulmi doontaa jawaab kun jeer ka xoog badan”.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Trump “Weerar kasta oo Iiraan ay ku qaaddo Mareykanka waxay la kulmi doontaa jawaab kun jeer ka xoog badan”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka ayaa digniin adag u diray taliska Iiraan, wuxuuna ugu hanjabay in ay laba jibaari doonaan weerarkasta oo ay Iiraan la damacdo mas’uuliyiinta iyo madaxda Mareykanka.

Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray ” Iiraan waxaa laga yaabaa inay qorsheyneyso dilal ama weeraro ka dhan ah muwaadiniinta Mareykanka iyaga oo u aar gudaya dilkii Qassim Suleymaani, Weerar kasta oo Iiraan ay ku qaaddo danaha dalkeena jawaabteena kun jeer ayay ka weynaan doontaa”

Related posts

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

March 5, 2026

Waxaa jiray warar ay baahiyeen sirdoonka Mareykanka oo muujinayay in Iiraan ay weeraro la damacsantahay Safiirka Mareykanka ee Koonfur Afrika Lana Marks, sida lagu sheegay wargeyska “Politico” oo ka soo baxa  Mareykanka.

Wargeeyska Politico ayaa qoray in Xukuumadda Iiraan ay dajisay qorshe la doonayo in lagu dilo safiirka Mareykanka ee Koonfur Afrika, Waxuna wargeyska si qoto dheer ugu hadlay dilka la sheegay in lala doonayo Safiirka taasi ay Iiraan ku doneeysa in ay ugu jawaabto dilkii taliyihii ciidamada Qudus ee Iiraan, kaasi oo dhacay horaantii sanadkan.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Mike Pompeo ayaa shalay ku dhawaaqay in uu si dhab ah u qaadanayo wararka saxaafada sheegayaan ee ku saabsan  in Iiraan ay diyaarisay qorshe ay ku khaarajinayso danjiraha Mareykan u jooga Koonfur Afrika.

Xiisadda u dhaxeeysa labadan dale e Dehraan iyo Washington ayaa cirka isku shareertay kadib markii Trump uu ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee ay quwadaha waaweyn dunida ay ku heshiyeen bartamahii bishii May  sanadkii 2018, isla mar ahaantana Mareykanka ayaa Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan dib ugu soo rogay cunaqabateyn adag oo dhanka dhaqaala ah, taasi oo uu Mareykanka ugu gol lahaa in Iiraan lagu qasbo in aay ka tanaa susho sii wadista farsamada quuwaddeeda Nukliyeerka.

Xiisadaha udhaxeeya labadan dal waxay sii xoogeeysatay kadib markii weerar ay fulisay diyaaradaha Drone Mareykan lagu dilay Qaasim Suleymaani meel u dhaw garoonka diyaaradaha Baqdaad 3-dii bishii Janaayo,

Previous Post

Kumanaan Qoys oo ku barakacay wabiga Shabeelle oo ku fatahay Shabeelaha dhexe

Next Post

Tababbar ku saabsanaa hanaanka doorashooyinka oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo+Sawirro

Next Post
Tababbar ku saabsanaa hanaanka doorashooyinka oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo+Sawirro

Tababbar ku saabsanaa hanaanka doorashooyinka oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo+Sawirro

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qeyb galay kulan afur ah oo lagu...

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

March 5, 2026
0

Danjire Ilyaas Cali Xasan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa magaalada Gaalkacyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

March 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In