Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo beeniyey eedayn uga timid QM oo ku aaddan xad-gudubyo ka dhacay Suuriya.

admin by admin
September 19, 2020
in Wararka
0
Turkiga oo beeniyey eedayn uga timid QM oo ku aaddan xad-gudubyo ka dhacay Suuriya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Turkiga ayaa diiday eedeyn uga timid guddiga sare ee xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay oo ku aaddan xadgudubyo ka dhan ah bini’aadanimada oo Turkiga ka geystay dalka Suuriya, sida lagu sheegay warbixin guddigu soo saareen.

“Waxaan diidan nahay eedeymaha aan xaqiiqada ku dhisneyn ee guddigu soo saareen,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025

Turkigu waxa uu hawlgalkiisa waqooyiga Suuriya ku micneeyay mid lagula dagaalamayo argagixisada caalamiga ah iyo kooxaha qaswadayaasha ah ee doonaya inay xasilooni darro ka abuuraan dalkiisa, dhibaatadoodana ay gaarsiiyaan dalal badan.

Talaadadii guddiga QM u qaabilsan baaritaanada dambiyada dagaal ayaa sheegay in Turkiga ay tahay in lagula xisaabtamo taageerada uu siiyey mucaaradka Suuriya oo geystay gabood fal ka dhan ah insaaniyadda oo ay kamid yihiin afduub, jir-dil iyo boobka hantida dadweynaha, sida lagu ogaaday baaritaan la sameeyay afartii bilood ee sanadkan 2020-ka ugu horraysay.

Guddoomiyaha guddiga sare ee xuquuqul insaanka QM Michelle Bachelet ayaa sheegtay in qeybo ka mid ah waqooyiga Suuriya maleeshiyaad Turkiga taabacsan ay ka geysteen xadgudubyo ka dhan ah bani’aadanimada.

Xukuumadda Ankara ayaa taageerta mucaaradka madaxweynaha Suuriya  Bishaar Al-assad, waxaana Turkiga uu gacanta ku hayaa waqooyi bari ee Suuriya oo ay xuduud wadaagaan.

 

Previous Post

Saddex qof oo laga soo badbaadiyay diyaarad ku dhacday garoonak Aadan Cadde

Next Post

Howl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay ololaha Is-xilqaan

Next Post
Howl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay ololaha Is-xilqaan

Howl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay ololaha Is-xilqaan

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda, kaasoo ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In