Wednesday, May 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo beeniyey eedayn uga timid QM oo ku aaddan xad-gudubyo ka dhacay Suuriya.

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Turkiga oo beeniyey eedayn uga timid QM oo ku aaddan xad-gudubyo ka dhacay Suuriya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Turkiga ayaa diiday eedeyn uga timid guddiga sare ee xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay oo ku aaddan xadgudubyo ka dhan ah bini’aadanimada oo Turkiga ka geystay dalka Suuriya, sida lagu sheegay warbixin guddigu soo saareen.

“Waxaan diidan nahay eedeymaha aan xaqiiqada ku dhisneyn ee guddigu soo saareen,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026

Turkigu waxa uu hawlgalkiisa waqooyiga Suuriya ku micneeyay mid lagula dagaalamayo argagixisada caalamiga ah iyo kooxaha qaswadayaasha ah ee doonaya inay xasilooni darro ka abuuraan dalkiisa, dhibaatadoodana ay gaarsiiyaan dalal badan.

Talaadadii guddiga QM u qaabilsan baaritaanada dambiyada dagaal ayaa sheegay in Turkiga ay tahay in lagula xisaabtamo taageerada uu siiyey mucaaradka Suuriya oo geystay gabood fal ka dhan ah insaaniyadda oo ay kamid yihiin afduub, jir-dil iyo boobka hantida dadweynaha, sida lagu ogaaday baaritaan la sameeyay afartii bilood ee sanadkan 2020-ka ugu horraysay.

Guddoomiyaha guddiga sare ee xuquuqul insaanka QM Michelle Bachelet ayaa sheegtay in qeybo ka mid ah waqooyiga Suuriya maleeshiyaad Turkiga taabacsan ay ka geysteen xadgudubyo ka dhan ah bani’aadanimada.

Xukuumadda Ankara ayaa taageerta mucaaradka madaxweynaha Suuriya  Bishaar Al-assad, waxaana Turkiga uu gacanta ku hayaa waqooyi bari ee Suuriya oo ay xuduud wadaagaan.

Previous Post

Saddex qof oo laga soo badbaadiyay diyaarad ku dhacday garoonak Aadan Cadde

Next Post

Howl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay ololaha Is-xilqaan

Next Post
Howl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay ololaha Is-xilqaan

Howl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay ololaha Is-xilqaan

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

May 26, 2026
0

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In