Sunday, June 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Oo Kormeeray Mashruuca Ballaarinta Garoonka Diyaaradaha Ee Aadan Cabdulle “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Oo Kormeeray Mashruuca Ballaarinta Garoonka Diyaaradaha Ee Aadan Cabdulle “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kormeer howleed ku tagay gegida diyaaraha ee Aadan Cabdulle, isagoo u kuur galayay howlaha baaxadda leh ee ballaarinta iyo horumarinta garoonka.

Mudane Mahdi oo uu wehliyo sii hayaha Wasiirka Gaadiidka Cirka mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar, saraakiisha garoonka iyo mas’uuliyiinta shirkadda Favori ee garoonka maamusha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee garoonka, waxa uuna mas’uuliyiinta ka dhageystay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarinta garoonka.

Related posts

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026

Sii hayaha Wasiirka Gaadiidka Cirka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in ay socdaan howlo baaxad leh oo lagu ballaarinayo garoonka.

“Waxaan la saxiixannay shirkadda Favori ee garoonka maamusha heshiis lagu ballaarinayo garoonka oo ay ku jiraan Duugista badda, dhismaha derbi ilaa 500 oo mitir ah, Dhabbaha diyaaradaha oo la cusbooneysiinayo iyo shaqooyin kale oo muhiim ah oo qaarkood meel dhexe marayaan” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta iyo howl wadeennada garoonka shaqada wanaagsan ee ay hayaan, waxuuna ku boorriyay in ay sii dardar geliyaan.

Previous Post

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay xildhibaannada Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubba-land+(Sawirro)

Next Post

Howlgallo Qorsheysan Oo Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Laga Fuliyay Deegaanka Toorotoorow

Next Post
Danab oo howlgal ka fuliyay degaanno hoostaga Magaalada Kismaanyo

Howlgallo Qorsheysan Oo Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Laga Fuliyay Deegaanka Toorotoorow

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta ka guddoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta bilaabay diiwaangelinta iyo qabashada araajida musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa khudbad rasmi ah ka...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo hubkii sharci-darrada ahaa ee ay wateen maleeshiyaadkii soo weeraray Degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In