Wednesday, April 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Farsamada soo xulista Barlamaanka labaad ee Hirshabeelle oo gaaray Jowhar+Sawiro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Guddiga Farsamada soo xulista Barlamaanka labaad ee Hirshabeelle oo gaaray Jowhar+Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle ee uu dhawaan magacaabay madaxweyna dowlad goboleedka hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Xubnaha guddiga ayaa markiii ay gaareen jowhar waxaa kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka shabeellaha dhexe iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026

Guddoomiye ku xigeenka siyaasada gobalka shabeellaha  dhexe Maxamed Cabdi Sheikh Xandow oo ka mid ahaa masuuliyiin soo dhaweeyay ayaa waxa uu sheegay inay ku faraxsanyihiin waxaana sidoo kale uu ugu baaqay in si hufnaan leh ay uga shaqeeyaan arrimaha loo ekmaday ee ah  soo xulista barlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Afhayeenka guddiga Siyaad Maxamed Isaaq ayaa ka mahadceliyay soo dhawenta looga sameeyay waxaana uu sheegay in maalmahan soo socda ay soo saari doonaan jadwalka shaqo ee soo xulista baarlamnaka 2-aad ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waree ayaa 29 bishii lasoo dhaafay ee agoosto magacaabay guddigaan farsamada soo xulista barlamaanka labaad ee Hirshabeelle kuwaasi oo ka kooban 11 xubnood.

Tags: Guddiga Farsamada soo xulista Barlamaanka labaad ee Hirshabeelle oo gaaray Jowhar+Sawiro
Previous Post

Guddoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay Dugsi Sare oo laga hirgalinayo Deegaanka Gubadleey+Sawirro

Next Post

Ra’iisul wasaare Rooble: Waxaan soo dhisi doonaa Xukumadda Tayo leh

Next Post
Ra’iisul wasaare Rooble: Waxaan soo dhisi doonaa Xukumadda Tayo leh

Ra’iisul wasaare Rooble: Waxaan soo dhisi doonaa Xukumadda Tayo leh

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

April 21, 2026
0

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kirgistaan, Mudane Sadyr Japarov, isagoo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

April 21, 2026
0

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In