Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Beeraha Oo Soo Bandhigtay Buugaag Ka Hadlaya Maalgashiga Beeraha Iyo Hagaha Tacabka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Beeraha Oo Soo Bandhigtay Buugaag Ka Hadlaya Maalgashiga Beeraha Iyo Hagaha Tacabka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, madax ka socotay Mashruuca GEEL iyo qubaro dhanka beeraha ah ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Buugaag ka hadlaya hagaha Tacabka iyo dhoofka Mooska Soomaaliya iyo Fursadaha maalgashi ee beeraha, waxaana buugaagtan diyaarintooda iska kaashaday Wasaarada Beeraha Soomaaliya iyo Mashruuca GEEL

Madaxa mashruuca GEEL Maxamed Cabdi Nuur ayaa ka hadlay dadaalada lasoo geliyay buugaga lasoo bandhigay ee ka hadlaya maalgashiga Beeraha Soomaaliya.

Related posts

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026

“Labadan buug ugu yaraan Mashruuca Geel iyo Wasaaradda Beeraha waxa ay ka wada shaqeynayeen muddo sanad ah, waana wax lagu farxo in teamka Wasaaradda ay hogaaminayeen diyaarinta buugaagta, waana buugaag wax badan ka tari doono hannaanka loo marayo maalgashiga” ayuu yiri Maxamed Cabdi Nuur.

Ku-simaha Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay inay ku howlanyihiin sidii Mooska Soomaaliya uu u heli lahaa maalgashi iyo suuqyo caalami ah, si loo dhiiri geliyo beeraleyda Soomaaliyeed.

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay munaasabadan qiimaha leh oo lagu daah furayo buugaagtan, labadan buug oo aad iyo aad muhiim ah, midna uu ka hadlayo maalgeshiga beeraha, midna uu ka hadlayo hagidda iyo tilmaamidda horumarinta mooska, aad iyo aad baan uga wada mahadcelineynaa dadkii ka soo shaqeeyay” ayuu yiri Wasiir Ciid.

Ugu dambeyn Ku-simaha Wasiirka Beeraha ayaa daahfuray Systamka M-Tacab oo ay xog ku wadaagi doonaan ganacsatada beeraha ee ku kala sugan gobolada dalka

Previous Post

Isbitaalka Gaalkacyo Oo Dib U Dhis Lagu Sameynayo Si Loo Balaariyo “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Xarunta Waaxda Kaawa Godeey Ee Degmada Dharkeenley “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Xarunta Waaxda Kaawa Godeey Ee Degmada Dharkeenley “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Xarunta Waaxda Kaawa Godeey Ee Degmada Dharkeenley “SAWIRRO”

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In