Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble “Doorasho Ayaa Loo Dhaqaaqayaa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble “Doorasho Ayaa Loo Dhaqaaqayaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku dhawaaqay dhaqan-gelinta Heshiiska iyo Habraacyada Doorashooyinka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu doorkiisa ka qaato habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Related posts

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

January 12, 2026
Dowladda Soomaaliya oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta

Dowladda Soomaaliya oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta

January 12, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta doorasho muujinaysa hor u socodka iyo horumarka dalka, iyadoona Xukuumaddu ay u gudbinaysaa Hay’adaha Qaranka qoraalka faafinta iyo dhaqangalinta doorashooyinka ee 2020/2021, Taas oo ku saleysan heshiisyadii doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku gaaray.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, waxay ku wargalineysaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tanaasulkii iyo xilkasnimadii ee uu sameeyay si loo gaaro heshiisyada la xiriiray arrimaha Doorashooyinka ee ugu dambeeyay heshiiskii bishan Oktoober ee lagu jaan-gooyay Habraaca Doorashooyinka 2020/2021.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad-celiyey Madaxweyneyaasha Dowlad-gobeeldyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir mas’uuliyadda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka sida deg-degga ah ee ay u sharciyeeyeen heshiiska, ugana guteen waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saarnaa.

Previous Post

Madaxweyne Ku-Xigeenka Galmudug Oo Kormeeray Xarunta Wasaaradda Dakadaha “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeediyey Munaasabadda Dhaqan-Gelinta Heshiiska Nabadeed Ee Suudaan “SAWIRRO”

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

January 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held virtual bilateral talks on Monday with his...

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

January 12, 2026
0

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Cismaan Shaatax, ayaa shalay iyo maanta ka qayb galay shir ka dhacay magaalada Kampala ee...

Dowladda Soomaaliya oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta

Dowladda Soomaaliya oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta

January 12, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasaaradda Howlaha guud XFS iyo UN-Habitat oo yeeshay kulan looga hadlayay qorshaha magaalooyinka

Wasaaradda Howlaha guud XFS iyo UN-Habitat oo yeeshay kulan looga hadlayay qorshaha magaalooyinka

January 12, 2026
0

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku qabatay hoolka Wasaaradda kulan heer sare ah oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In