Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeediyey Munaasabadda Dhaqan-Gelinta Heshiiska Nabadeed Ee Suudaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeediyey Munaasabadda Dhaqan-Gelinta Heshiiska Nabadeed Ee Suudaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalkaas ayaa soo bandhigay garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo midnimada walaalahooda dalka Suudaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay khibrad weyn u leeyihiin dhibaatada laga dhaxlo colaadaha sokeeye, waxa uuna ka warbixiyey murugada iyo dib u dhicii xanuunka badnaa ee dalkeenna ka soo gaaray dagaalkii sokeeye oo maanta shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is-heystaan sidii ay uga gudbi lahaayeen saameyntiisa.

Related posts

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026

“Dabcan maanta ma ahan maalin u wanaagsan shacabka iyo dowladda Suudaan oo qura ee waa mid sidoo kale u wanaagsan dowladaha walaalaha ah ee dhiirrigeliyey heshiiskan, islamarkaasna taageeray nabadda iyo wadajirka sida dalkeyga oo kale. Haddii aanu nahay dowladaha xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD iyo Bahda Qaramada Adduunka, waxaa mas’uuliyad wadareed naga saaran in nabad lagu dhammeeyo dagaalkii ka jirey qeyb ka mid ah Suudaan”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dul istaagay sida nabadda ay door weyn uga qaadan karto horumarka bulshada,koboca dhaqaale iyo xasillooni siyaasadeed oo dhab ah,taas oo dani ugu jirto Suudaan iyo guud ahaan gobolka.

“Waxaa nasiib iyo sharaf weyn ii ah in aan goobjoog ka ahaado saxiixa heshiiskan nabadeed ee maanta dhacay. Waxaan u hambalyeynayaa dowladda iyo shacabka Suudaan iyo dhammaan dhinacyada garwadeenada ka ah in heshiisku dhoco. Waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay dadka reer Suudaan iyo guud ahaan kuwa gobolka.”

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dhinacyada heshiiskan in si rasmi ah loo fuliyo heshiiska nabadeed ee Jubba, kaas oo yeelan doona saamayn mug leh oo lagu gaaro nabad waarta, xasillooni iyo rajo ay hesho Suudaan, isaga oo xusay marxaladihii iyo dadaalladii loo soo maray in la soo gaaro heshiiskan wadajirka ah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble “Doorasho Ayaa Loo Dhaqaaqayaa”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In