Monday, April 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka tala-bixinta & dib u dhiska guddiga 4-aad ee horumarinta Af-Soomaaliga oo ka furmay Muqdisho

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Shirka tala-bixinta & dib u dhiska guddiga 4-aad ee horumarinta Af-Soomaaliga oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii haya Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa daahfuray Shirka Talabixinta & Dib u dhiska Guddiga 4-aad ee horumarinta Af-Soomaaliga oo maanta ka furmay xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka & Suugaanta ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda Fedraalka, Abwaanno, Aqoonyahanno ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa oo ay ka mid yihiin Prof. Cabdalla Mansuur, Prof. Gaandi, Prof. Ciise Maxamed Siyaad, Abwaan Yuusuf Shaacir iyo Marti sharaf kale.

Related posts

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

April 26, 2026
Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

April 26, 2026

Khudbidihii laga jeediyey shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhibaatooyinka hareeyey Afka Soomaaliga iyo sida looga gudbi karo;

Waxaa leysku raacay in uu Afka u baahan yahay gurmad ballaaran oo ay hormuud u tahay dowladda Soomaaliya, iyadoo masuuliyiinta dowladana loogu baaqay in ay marka hore xafiisyadooda si dhab ah uga hirgaliyaan Afka Soomaaliga.

Dadaalladii lagu bixiyey hirgelinta Afka Soomaaliga oo qarniyaal ka hor soo billowday ayaa waxaa markii ugu horreysay dareemay baahida loo qabo hirgelintiisa in la qoro farta Soomaaliga Aqoonyahan Sh. Yuusuf Alkownayn, kaddib markii ay ku adkaatay siduu Qur’aanka Kariimka u bari lahaa dadka,waxaa xigay guddiyo dhowr ah oo meel fiican soo gaarsiiyey horumarinta Afkeena Hooyo, balse soddonkii sano ee ugu dambeeyey ayaa la dareemay hoos u dhac ku yimid Afka, taasoo kalliftay in ay Aqoonyahanka mar kale u istaagaan lagana doodo dhisidda Guddigii 4-aad ee horumarinta Af-soomaaliga.

Previous Post

Guddoomiye Basma oo safiirka Talyaaniga uga mahadcelisay taageerida danyarta”SAWIRRO”

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Soo Agaasimay Madal Looga Hadlayay Horumarinta Ganacsiga Caasimadda Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir Oo Soo Agaasimay Madal Looga Hadlayay Horumarinta Ganacsiga Caasimadda Muqdisho “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Soo Agaasimay Madal Looga Hadlayay Horumarinta Ganacsiga Caasimadda Muqdisho “SAWIRRO”

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

April 26, 2026
0

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta, isimada dhaqanka, cuqaasha,...

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

April 26, 2026
0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay wejigii labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada, Nabadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

April 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay wafdi ka socday Hay’adda CIVIC

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay wafdi ka socday Hay’adda CIVIC

April 26, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuql Insaanka Qaranka, Dr Maryan Qasim ayaa kulan heer sare ah la yeelatay wafdi ka socda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In