Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka ayaa xaraga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay xaruunta CID ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ah waaxda hogaanka baarista dambiyadda qeybta faraha oo qaab Electronic ahaan loo badalay
Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta CID ayaa ujeedkeedu ahay mid lagu daah furayay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta CID ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ah Waaxda Hogaanka Baarista Dambiyadda Qeybta Faraha oo Qaab Electronic ahaan loo badalay
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka ayaa ayaa xariga ka jaray Waaxda Hogaanka Baarista Dambiyadda waxaana halkaasi ku sugnaa Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in muhiimada gaar ah ay u leedahay waxdaan bulshada Soomaaliyeed.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in waxdan ay fududeen karto in dambilaha gacanta lagu soo dhigo, marka laga qaado faro iyo sawir indhaha ah.
Guddoomiyaha Maxkamad sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dhamaan Taliska booliska looga baahanyahay in uu ahmiyad weyn siyo waxdaan iyo la dagallanka dambilaha
Waaxda Hogaanka Baarista Dambiyada qeybta faraha ayaa waxay ka mid tahay goobihii ku bur buray dagaaladaii sokeeyay ee dalka, lakiin Taliska ciidanka booliska ayaa ku guuleystay in dib loo soo celiyo Waaxdan.