Wednesday, July 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Dib U Eegid Ku Sameysay Heshiiskii Maalgelinta Dekedda Muqdisho Ee Shirkadda Albayrk “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Dib U Eegid Ku Sameysay Heshiiskii Maalgelinta Dekedda Muqdisho Ee Shirkadda Albayrk “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goob-joog u ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda maalgashiga Albayrk ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay tallaabo fiican loo qaaday dhanka xoojinta maalgashiga dalka.

Kusimaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay macnaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in dib u eegid iyo horumarin lagu sameeyey Heshiiskii 2014-kii ay kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Albayrk ee ku saabsanaa howlgelinta Dekedda Muqdisho iyo ballaarinteeda.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay shirka u dhexeeyay xubnaha Mucaaradka iyo Dowladda

July 8, 2026

Heshiiskan ayaa lagu soo koobay 5 sano oo uu qeexayo hannaan lagu sii kordhin karo muddada dheer ee ka hartay heshiiskii hore ee 20-ka sano ahaa, balse ay saldhig u tahay guulaha laga gaaro qorshaha ballaarinta Dekedda iyo hannaanka howlgelinteeda, iyadoo dowladda Soomaaliya ay korjoogteyn doonto, kana soo saari doonto qiimeyn muujinaysa hirgelinta qodobbada lagu heshiiyey.

Heshiiska waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay si hayaha Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Marwo Maryan Aweys, halka dhanka shirkadda Albayrak uu u saxiixay Mudane Ahmet Sami Isler  iyo Fehat Akkaya.

Previous Post

Aqalka Sare Ee Ethiopia Oo Dowladda Federaalka Ka Dalbaday Inay Miisaaniyadda Ka Jarto Dowlad Goboleedka Tigreega

Next Post

Kulamo Lagu Horumarinayo Isboortiga Oo Lagu Qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Kulamo Lagu Horumarinayo Isboortiga Oo Lagu Qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Kulamo Lagu Horumarinayo Isboortiga Oo Lagu Qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay shirka u dhexeeyay xubnaha Mucaaradka iyo Dowladda

July 8, 2026
0

War qoraal ah ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dalka ayaa lagu faahfaahiyay Wada hadal Muqdisho ku dhexmaray Dowladda iyo xubno...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS iyo mas’uuliyiin kale oo saxiixay buugga tacsida ee AUN Imaam Maxamed Yuusuf

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS iyo mas’uuliyiin kale oo saxiixay buugga tacsida ee AUN Imaam Maxamed Yuusuf

July 8, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka qeybgalay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka qeybgalay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika

July 8, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa magaalada Sharma El-Sheikh ee Jamhuuriyadda Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In