Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbitaalka Al-ixsaan oo maanta Xusay 8 October Maalinta Aragga Dunida+Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Isbitaalka Al-ixsaan oo maanta Xusay 8 October Maalinta Aragga Dunida+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xuska maalinta aragga adduunka oo ku beegan sideedda October, dhakhaatiirta Isbitaalka Al-ixsaan oo kamid ah xarumaha caafimaadka indhaha ee magaalada Muqdisho waxay maanta sameeyeen baaritaano iyo daweyn bilaash ah oo loo fidiyay qaar kamid ah dadka danta yar ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

Agaasimaha Isbitaalka Al-ixsaan, Cabdicasiis Xasan Sheekh, oo maanta gudaha isbitaalka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 122 qof oo kamid ah dadka saboolka ay u sameeyeen baaritaano caafimaad oo bilaash ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025

Waxaa uu intaas ku daray in qaar kamid ah dadkaas oo u baahnaa qaliino loo sameyn doonto ayagoon wax kharash ah la waydiinin.

Dr. Cabdisamad Xasan Xaye, oo ah madaxa caafimaadka isbitaalka takhasusiga ah ee Al-ixsaan ayaa sheegay in sanad kasta isbitaalku uu sameeyo xuska maalinta sideedda October isla markaana isbitaalka Al-ixsaan markii ugu horeysay lagu xuso maalintan.

Isaga oo sidoo kale, sheegay in dadka looga baahan yahay in ay ku buraarugaan waxyaabaha aragga dila oo uu ugu horeeyo cudurka indhaha biyaha geliya ee Glaucoma, isla markaana carruurta ay tahay in caafimaadka araggooda lala socda inta ay yar yihiin.

253 milyan oo ruux ayaa maanta aragg la’aan ku ah dunida oo dhan, todobaadka ugu horeeya bisha October sanad kasta  waxaa loo asteeyay wacyigelinta bulshada ee dhanka aragga, isbitaalka Al-ixsaan waxaa uu kamid yahay xarumaha caafimaadka ee ahmiyadda weyn siiyay daryeelka indhaha.

Dr.Cabdisamad, oo caafimaadka indhaha ku takhasusay waxaa uu xusay in dadka Soomaaliyeed qof kasta oo da’diisa dhaafto 40 sano looga baahan yahay in uu iska baaro cudurka indhaha biyaha geliya, maadaama uu yahay cudur dhuunta oo aan la dareemaynin.

Hal ku dhegga sanadkan ee sideedda October, maalinta aragga adduunka ‘ waxaa la rajaynayaa aragg wanaagsan’.

 

Previous Post

Allah u naxriisto Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaliya Cali Maxamed Khaliif Galayr oo ku geeriyooday Magaalada Jigjiga

Next Post

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeeyay Geeridii AUN Ra’iisulwaare Cali Khaliif Galeyr

Next Post
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeeyay Geeridii AUN Ra’iisulwaare Cali Khaliif Galeyr

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeeyay Geeridii AUN Ra’iisulwaare Cali Khaliif Galeyr

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In