Qaar ka mida odayaasha dhaqanka Gobalka Mudug ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in hurin coladeed laga sameeyo deegaanno ka tirsan Mudug kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay dil ka geeysteen deegaanno ka tirsan kuwa dhaca Galbeedka Gobalka Mudug dilkaas oo loo geystay laba ruux oo ka mid ahaa dadka xoola dhaqatadata ee ku nool deegaanada halkaas.
Waxgaradka Galmudug ayaa ka tacsiyeeyay falka dilkaa, iyagoo sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono shaqsiyaadka ku eedeeysan dilkaasi isla markaana sharciga la horkeeni doono
Ciidamada amniga Galmudug oo ay kaabayaan kuwa xoogga Dalka gaar ahaan Ururka Guulwade ee xasilinta Gobalka Mudug ayaa wali ku howlan baadi goobka dadkii lagu tuhmayay falka filka ah, iyadoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan in mid ka mida la tuhmanayaasha gacanta lagu soo dhigay
Dhinaca kalana War murtiyeed kasoo baxay Wsaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in magacyada shaqsiyaadka fal dambiyeedka dilkaa ku eedeeysan iyo talaabooyinka kaga qorsheeysan Galmudug.
Halkan Hoose guji si aad u hesho magacyada iyo warka ka soo baxay Wssaaradda Amniga Galmudug.