Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka wadatashiga  mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Shirka wadatashiga  mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan  wadatshiga oo ay soo qaban qaabiyeen wasaaraddaha  qorsheynta Qaranka iyo maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya  oo  xoogga lagu saarayo  sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, fatahaadaha, ayaxa iyo cudurka covid-19, ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya bankiga adduunka.

Mas’uuliyiin ka socday wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Hirshabeele, Agaasimiha guud, agaasime  waaxeedyada iyo shaqaalaha ayaa goob joog ka ahaa, waxaana shirkaan wadatashiga uu socondoonaa muddo saddex maalmood.

Related posts

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026

Agaasimaha wasaaradda qorsheynta maamulka Hirshbeele  Cabdulaahi Maxamed Xasan  (Dhagacade) oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan dib loogu eegayo dhibaatooyinkii la soo maray oo ay ka mid ahaayeen daadadka, Abaaraha, Ayaxa iyo cudurka covid-19 oo halakeeyay dunida intiisa kale,maamul ahaana diyaar u yahiin hanaanka wax looga qabanayo in ay xoogga saaran.

Cali Xaaji Aadan maareeyaha mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya ee wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka soomaaliya  ayaa sheegay in mashrucuan ahmiyadd weyn u leeyahay bulshada nugal ee uu saameeyeen  daadadka, abaaraha iyo ayaxa.

“ mashruucan waxa garwadeen ka ah dowladda federaalka soomaaliya gaar ahaan, wasaaradaha qorsheynta iyo maaliyadda isla markaana waxaa naga taageeraayo banka aduunka, waxa uu xoogga saarayaa afar  qeyb oo mudnaanta u leh  maamulka Hirshabeele si wax looga qabto, fatahada, Abaaraha, ayaxa iyo covid- 19  oo dhibaata weyn bulshada nugal ee u baahan in wax lala qabto, waa mahadsan yahiin madaxda maanta halkan nala joogta ee si aan isla fiirno muhiimada dhaxal reebka ah ee wax laga qaban karo.” ayuu yari cali xaaji aadan.

Asad yuusuf Qanyare oo ah madaxa xiriiraha qaran  ee  deeqa caalamiga ah  ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka ayaa sheegay inuu shirka ujeedkiisu uu yahay sidii looga hortegi lahaa xasaradaha soo noq noqday ee abaaraha, dadaadka, ayaxa iyo cudurka covid-19.

“ waxaan ku faraxsanahay in wasaaradaha ay quseeso arrintaan inay goob-joog ka yahiin wadatashigaan, waxaan isla eegaynaa mudnaansiinta baahiyaha hortabinta u leh maamulka Hirshabeele  ee ka soo kabashada u adkeysiga xasaradaha maamulka” ayuu yari asad yusuf.

diyaarinta mashruucan waxaa lagala tashaday wasaaradaha ay quseeyso heer fedaraal iyo heer dawlad goboleed.

wasaaradaha maaliyadda iyo qorsheynta heer federaal waxa ay in muddo ah ka shaqeeynayeen qaabdhismeedka lagu hirgelinayo mashruuca iyo shaqaaleynsiinta howl-wadeenada mashruucan;

waxaa jiray shuruudo adag oo uu bankiga aduunku ku xiran maalgelinta mashruucan oo ay lagama maarmaan tahay in lafuliyo si loo soo daayo lacagaha. waxaa ka mid ah diyaarinta dokumeentiga mashruuca, sharciga, heshiiska maalgelinta iyo diyaarinta howlwadeenada laf dhabarka u ah mashruuca.

qaab dhismeedka maamulka mashruucu waxa uu ka kooban yahay saddex heer oo kala ah;

– guddiga hoggaaminta mashruuca (psc)

– unugga fulinta mashruuca (piu)

– hawl-wadeenada maamulka mashruuca ee heer dowlad goboleedka. (spt).

 

Tags: Shirka wadatashiga  mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho+Sawirro
Previous Post

Gobalka Banaadir oo xooginayo dhismaha wadooyinka Caasimada+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhegeyso: Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Dhageyso Warka subax ee Radio Muqdisho

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In