Friday, August 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulada Goobaha Waxbarashada ee Gobolka Banaadir oo soo dhaweeyay Manhajka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada soo saartay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 28, 2020
in Wararka
0
Maamulada Goobaha Waxbarashada ee Gobolka Banaadir oo soo dhaweeyay Manhajka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada soo saartay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Manhajka Waxbarashada dalka oo ay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo saartay ayaa waxaa laga hergaliyay dhamaan goobaha waxbarashada dalka, taasi oo ay soo dhaweeyeen maamulayaasha, macalimiinta  iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata iskuulada Waxbarashada dalka

Manhajkan ayaa waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa horumarinta iyo tayeynta Waxbarashada Soomaaliyeed  wuxuuna manhajka uu ku qoranyahay Afka Hooyo, iyadoo Wasaaradda Waxbarashada ay soo saartay amar iyo go’aano ku aadan in manhajkan mid aan aheyn aan lagu dhigi karin goobaha Waxbarashada guud ahaan dalka

Related posts

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025

Qaar ka mid ah ardayda wax ka barta iskuulada caasimadda ayaa soo dhaweeyay Manhajka Waxbarashada waxayna sheegeen in ay ka faa’iideen wax aad u wanaagsan, uuna uga duwanyahay  manaahiijtii kala duwanaa ee wax lagu baranayay.

Macalin Cabdiraxman Abuubakar Cisman oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga Iskuulka Hoose Dhexe iyo Sare ee Xamar weyne ayaa tilmaamay in manhajka cusub ee ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada uu yahay mid si weyn looga soo shaqeeyay, ayna wax badan ka faa’iideysan doonaan ardayda Soomaaliyeed.

Nuur Maxamed Xasan oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo ka hadlay farqiga u dhaxeeya manhajkan iyo manaahiijtii hore  ayaa sheegay in aqoonyahanada ay soo dhaweynayaan manhajkan cusub

Maamulaha Iskuulka Hoose Dhexe Sare ee Xamar Weyne Xuseen Maxamed Guuleed ayaa xusay ahmiyadda Manhajka iyo sida ardaydu ula qabsdeen casharada ku qoran manhajka.,

Agaasimaha Waaxda manaahiijta ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Mukhtaar ayaa Sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay amar ka soo saartay in aan lagu dhigi kari goobaha Waxbarashada Manhaj ka duwan  midka ay Wasaaradu soo saartay.

W/D: Muuse Cismaan Abtow

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gaaray Cadaado

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradaasi “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradaasi “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradaasi “SAWIRRO”

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Laamaha amniga Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed

August 14, 2025
0

Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa saaka aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah ka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

August 14, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In