Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Marwo Nuuriye Adam Ciise ayaa maanta kulan is barasho ah la yeeshay Agaasimayaasha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Kulanka oo uu goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa waxaa looga hadlay howlaha horyaalla Wasaaradda Waxbarashada iyo horumarinta Waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.
Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa ugu horeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ka dhageystay warbixin ku saabsan Howlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo sida ay u socdaan shaqooyinka Wasaaradda.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in markasta ay waajib tahay kor u qaadista aqoonta ardayda Soomaaliyeed iyo in kor looqaado howlaha horumarinta Waxbarashada Dalka.
Dhinaca kale Wasiiraka Waxbarashada, Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Marwo Nuuriye Aadam Ciise ayaa si wada jira u kormeer Xafisyada Wasaaradda Waxbarashada.
Kormeer ayaa ku saabsanaa u kuurgelida habka ay u shaqeeyaan shaqaaalaha Wasaaradda Waxbarashada, waxaana ay mid mid u dul istaageen Xafiisyada ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada.