Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkadda Safe Air oo duulimaadyo ka bilowday Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Shirkadda Safe Air oo duulimaadyo ka bilowday Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaaraddan oo ay leedahay Shirkadda Safe Air Company ‘SAC’ ayaa duulimaadyo  ka sameysa dalalka caalamka.

Munaasabadda bilowga duulimaadka Safe Air ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin isagu jirtay Xildhibaanno, Guddiga Gaadiidka Diyaaradaha Soomaaliyeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jansiyadda, Hay’adda Duulista Rayidka, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo marti sharafkale.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Maxamednuur Aadan, Kabtanka Diyaaradda ahna milkiilaha Diyaaradda Safe ayaa ka warbixiyay adeegga iyo howlaha duulimaadka Diyaaradda.

Guddoomiyaha Diyaaradaha Soomaaliyeed Xasan Xaashi iyo Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jansiyadaha Cabdullaahi Xaaji Bashiir ayaa kula dardaarmay Safe Air inay ka shaqeyso xoojinta wadashaqeynta Shirkadaha  Duulimaadka.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Cabdikariin Gabeyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa bogaadiyay duulimaadka Safe Air ee maanta bilowday, iyagoo sheegay in ay wax weyn kusoo kordhin doonto qaadista shixnadaha iyo Rakaabka.

Shirkadda duulimaadyada Safe Air oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed ayaa isaga kala gooshi doonto magaalooyinka Dubai, Mogadishu, Cairo, Aden, Djibouti, iyo kuwa kale.

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

Next Post

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In