Friday, June 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Joe Biden oo loo doortay Madaxweynaha 46-aad ee Maraykanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 7, 2020
in Caalamka, Wararka
0
Joe Biden oo loo doortay Madaxweynaha 46-aad ee Maraykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Musharaxa Xisbiga Demoqoraadiga Joe Biden oo soo noqday Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka muddo xileedkii Obama ayaa ku guulaystay madaxtinimada dalkaas, kaddib maalmo ay natiijada codadka ee gobollada Maraykanka ku loolamayeen Madaxweyanaha waqtigiisu dhammaaday ee Donald Trump.

Sida odoroska Warbaahinta Caalamka ay sameysay uu muujinayo Joe Biden ayaa codadka ergada gole-doorasho ee loo yaqaan Electoral Collage ka helay 290, halka Trump uu helay 214, balse Biden ayaa u baahnaa 270-cod oo kali ah.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025

Dhinaca kale codadka ay dhiibteen shacabka Maraykanka ayuu Joe Biden oo 78-jir ah ka helay in ka badan 74-milyan oo cod, halka Trump oo xisbiga Jamhuuriga ah uu helay ilaa 70-milyan oo cod.

Telefeshinnada waawayn ee Maraykanka sida CNN iyo Fox News ayaa baahiyey guusha Joe Biden iyo dabbaal dagyada ay samaynayaan taageerayaashiisa, sidoo kalena taareegayaasha Trump ayaa ka carooday sida ay wax u dhacayaan, waxaana la arkayey ciidamo hubaysan oo hortaagan, si ay u ilaaliyaan xasiloonida iyo kala dambaynta.

Gudiga Federaalka ee doorashooyinka Mareykanka (Federal Election Commission) ayaa laga sugayaa natiijada kama dambaysta ah ee doorashada.

Trump oo maalayey Maraykanka 4-tii sano ee ugu dambaysay ayaa lagu dhaleeceeyey siyaasadiisa ad adag ee ku wajahan dadka madawga ah iyo dalalka Islaamka, waxaana taasi ay sababtay in doorashadii dhacday 3-dii bishan looga adkaado.

Biden ayaa Aqalka cad u wareegi doona dhawaan, waxaana uu xilka la wareegi doona bisha January ee sanadka soo socda.

 

Previous Post

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo daahfuray wejiga labaad ee la dagaallanka Ayaxa “SAWIRRO”

Next Post

Madaxda caalamka oo u hambalyeeyay Joe Biden iyo Kamala Harris

Next Post
Madaxda caalamka oo u hambalyeeyay Joe Biden iyo Kamala Harris

Madaxda caalamka oo u hambalyeeyay Joe Biden iyo Kamala Harris

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay...

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In