Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo dar-dar-galinaya shaqooyinka horyaalla Waasaaradda ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada iWasaaradda oo arrimo badan lagu gorfeeyay.
Kulanka ayaa looga hadlay,laguna ansixiyay qaab dhismeedka Wasaaradda, si loo xoojiyo shaqada wasaaradda oo Agaasimaha Guud si goooni ah loogu igmaday dar-dar-galinta howlahaasi.
Ugu dambeyn, Wasiir Jamaal ayaa madaxda kula dardaarmay in shaqooyinka la sii xoojiyo, si natiijada wax ku-oolka ah ee aan higsanayno dalka aan u gaarsiinno.