Friday, October 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka Dalka oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 9, 2020
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka Dalka oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya  Ludfi Shariif Maxamed ayaa magaalada Dhusamareb uga qaybgalay kulanka soo aruurinta aragtida bulshada Galmudug ee ku aadan Qodobada Dastuurka ee Dib-u-eegista lagu sameeyey.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha guddiga lasocodka iyo dib-u-eegista dastuurka ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid, Wasaarada Dastuurka Galmudug, Maamulka Caasimada Galmudug iyo Bulshada Magaalada.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025

Ugu horayn waxaa furitaanka ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada magaalada Dhusamareb Cabdi Xaashi Caroole waxa uuna xusay inuu soo dhowaynayo qobadan Bulshada loo soo bandhigay.

Wasiirka Wasaarada Dastuurka Galmudug Daa’uud Maxamed Maalin ayaa ka hadlay madashan waxa uuna xusay in Galmudug talao ku yeelanayso qabyatirka Dastuurka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga lasocodka iyo Dib-u-eegista dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey socdaalkooda ay halkan ku yimaadeen iyo kulamadaan lagu soo bandhiga qodobada laga dooday.

Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Ludfi Shariif Maxamed ayaa ka hadlay kulanka waxa uuna xusay ahmiyada howshani leedahay.

Previous Post

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Hobyo

Next Post

Ra’isul wasaaraha Itoobiya oo soo saaray qoraal uu uga hadlaayo xaalada ka taagan dalkaas.

Next Post
Itoobiya oo heshiis la gaartay Laba Garab oo ka tirsan Jabhadaha Oromada

Ra’isul wasaaraha Itoobiya oo soo saaray qoraal uu uga hadlaayo xaalada ka taagan dalkaas.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda, kaasoo ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In