Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska SOMINVEST ee wasaaradda Qorsheynta XFS oo ku biiray Ururka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga Adduunka

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Xafiiska SOMINVEST ee wasaaradda Qorsheynta XFS oo ku biiray Ururka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Dhiirigelinta maalgashiga Soomaaliya ee SOMINVEST, oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa ku biiray Ururka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga ee Adduunka (WAIPA) oo ay ku bahooben in ka badan 170 hay’adood oo dhiirigeliya maalgashiga oo ku kala yaal 130 dal.

WAIPA ayaa ka caawisa hay’adaha dhiirigelinta sidii aay sare ugu qaadi lahayeen karaankooda ku aaddan dhiirigelinta maalgashiga, sidii hay’aduhu isu dhaafsan lahayeen khibradaha dhiirigelinta maalgashiga iyo in sidii Dowladaha looga caawin lahaa hagaajinta iyo casriyeynta guud ahaan jawiga maalgashiga.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Sidoo kale, WAIPA waxa ay sare u qaadeysa xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dhiirigelinta maalgashiga dunida isla markaasna u diyaarinaysa doodo iyo cilmi-baaris ku aaddan hannaanka dhiirigelinta maalgashiga.

“Waa guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ku howlan dhiirigelinta maalagshiga waddanka Soomaliya. Waxaan, si gaar ah, ugu mahadcelinaya intii gacan ka geysatay gaarista hiigsigan ku biirista hay’addan caalamiga ah sida howl-wadeennada Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga” ayuu yiri Mohamed Dubo, Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST).

Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomalaiya ayaa ku howlan soo jiidashada iyo hanashada maalgashi shisheeye si sare loogu qaado jawiga maalgashi ee dalka, loo dhaqan geliyo Qorshaha Horumarinta Qaranka isla markaana loogu abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed fursado shaqo.

 

Previous Post

Guddoomiye Mursal oo magacaabay guddi soo diyaara saamaynta Covid19 ku yeeshay dalka

Next Post

Agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka oo xilka kala wareegay agaasimihii hore”SAWIRRO”

Next Post
Agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka oo xilka kala wareegay agaasimihii hore”SAWIRRO”

Agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka oo xilka kala wareegay agaasimihii hore"SAWIRRO"

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In