Shirkaan oo ay Jimcihii fureen hoggaamiyaasha Aasiya Baasifigga ayaa waxaa ka soo qeeybgalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping si looga wada hadlo dhibaatada coronavirus iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha adduunka iyada oo ay jirto kala duwanaanshiyo ganacsi oo u dhaxeeysa Shina iyo USA muddo dheerna soo jiitamesay.
Labada Madaxweyne ayaa waxa ay ku biireen shirkii hoggaamiyeyaasha 21-ka waddan ee Aasiya Baasifigga ee Iskaashiga Dhaqaalaha (APEC) oo ay marti gelisay Malaysia, shirkan ayaa imaanay laba toddobaad un ka dib markii Trump lagaga adkaaday tartankii doorashada.