Sunday, June 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Baydhabo ka furay Mashruuc horumarineed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Baydhabo ka furay Mashruuc horumarineed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xarigga ka jaray mashuuriic horumarineed oo dhinacyo badan, taasoo ay hay’adda Qatar Charity ka hirgalisay magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Mashaariicdan ayaa ka kooban Iskuul hoose, dhexe iyo sare, xarun qaabilsan Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, Foorno laga quudiiyo dadka danyarta ah iyo qeyb ganacsi iyo ceel biyo nadiif ah siiya dadka xaafadaha laga hirgaliyay mashruuca.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

June 14, 2026
Wasaaradda Cadaaladda oo soo dhaweysay Nootaayooyin lagu magacaabay xeer madaxweyne

Wasaaradda Cadaaladda oo soo dhaweysay Nootaayooyin lagu magacaabay xeer madaxweyne

June 14, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar fulinta mashaariicdan kala duwan ee waxtar ka u leh bulshada, gaar ahaan taakuleynta dadka danyarta ah ee awoodin helidda mashaariicda loo sameeyey.

“Mashaariicdan aan maanta xariga ka jarnay waxay isugu jiraan goobo Waxbarasho, Caafimaad, Ceel biyood iyo goobo lagu quudiyo danyarta, waxaan uga mahadcelinayaa dowladda Qatar taageeradeeda ku qotonta baahiyaha bulshada, ka dowlad ahaana waa naga go’an tahay gacan siinta bulshada”.

Munaasabadda furitaanka Mashaariicdan ayaa waxaa ka qeybgalay Danjiraha Dowladda Qatar Hassan Hamza Asad Hashem Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Wasirro iyo masuuliyiin heer federaal iyo heer gobol.

Previous Post

FAO oo digniin u dirtay Kalluumeysatada Puntland iyo Somaliland ka jalaabata

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo abaal-mariyay shaqaalaha Wasaradda Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo abaal-mariyay shaqaalaha Wasaradda Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo abaal-mariyay shaqaalaha Wasaradda Duulista Hawada iyo Hay'adda Duulista “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa caawa hoggaamiyay kulan wacyigelin...

Wasaaradda Cadaaladda oo soo dhaweysay Nootaayooyin lagu magacaabay xeer madaxweyne

Wasaaradda Cadaaladda oo soo dhaweysay Nootaayooyin lagu magacaabay xeer madaxweyne

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Faysal Aadan Xasan ayaa maanta furay munaasabad lagu...

Dalalka Soomaaliya iyo Masar oo xoojinaya iskaashiga difaaca iyo tababarrada ciidanka

Dalalka Soomaaliya iyo Masar oo xoojinaya iskaashiga difaaca iyo tababarrada ciidanka

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Jamhuuriyadda Carabta...

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

June 13, 2026
0

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Cali Maxamed Cumar Cali Balcad, ayaa maanta qaabilay wefdi ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In