Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ethiopia oo Bilaabaysa Wajigii u Dambeeyay Howlgalka Gobolka Tigree

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Ra’isulwasaaraha itoobiya ayaa sheegay in la galay wajigii ugu danbeeyay ee dagaalka itoobiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Militiriga Ethiopia wuxuu bilaabi doonaa wajigii u dambeeyay howlgalka ka dhanka ah mucaaradka gobolka Tirgee, sidaa waxaa sheegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo bayaan soo saaray khamiistan maanta ah.

Hadalkan ayaa imaanaysa xilli uu dhammaaday 72 saac oo uu ra’iisul wasaaraha u qabtay in ay isku soo dhiibaan dagaalyahnada TPLF.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026

“72- saac oo aan siinay dambiiliyaasha TPLF in ay isku soo dhiibaan waa uu dhammaaday howlgalka ciidankeena wuxuu galayaa wajigii u dambeeyay,” ayuu Twitter ku soo qorey.

Waxaa uu intaas ku daray, in shacabka loo tureyo  isla markaana horey waxaa isku soo dhiibay kumanaan dagaalyahno ah.

Wakaaladda wararka Reuters oo warkan qortay saaka ayaa  sheegtay in aysan awoodin in xiriir la sameyso TPLF, sidaas awgeed sheegashada labada dhinac si madaxa banaan looma xaqiijin karo, sidoo kale isgaarsiinta degaanka ayaa hawada ka maqan.

Ergay ka socda midowga Afrika ayaa ku sugan Ethiopia  waxayna ka codsadeen madaxda dalka in arrintan nabad lagu dhammeeyo, kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ka walaacsan dagaalka waqooyiga Ethiopia ayagoo ka cabsi qaba in waxyeelo ka soo gaarto shacabka.

Abiy ayaa 72 saac u qabtay TPLF in ay hubka dhigaan haddii kalena ay wajahi doonaan dagaal adag, buuraleyda ku heeran xarunta gobolka Tigree ee Mekelle ayaa la isku hayaa, magaalada waxaa ku noo 500,000 oo ruux.

Kumanaan shacab ah ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dagaalka, sidoo kale waxaa jira burbur aad u bahsan oo ay sababeen duqeymaha dhanka cirka ah, affarta bishan ayuu bilowday dagaalka u dhexeeya militiriga Ethiopia iyo xooggaga jabhadda xoreynta dadka Tigree ee TPLF, in ka badan 42,000 oo qof ayaa u kala qaxay dalalka Suudaan iyo Eritrea.

 

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb-galay Bandhiga cunnooyinka caalamiga ah oo lagu qabtay Turkiga+Sawirro

Next Post

Kiisaska COVID-19 oo Dhaafay 60 Milyan Caalamka oo Dhan

Next Post
Kiisaska COVID-19 oo Dhaafay 60 Milyan Caalamka oo Dhan

Kiisaska COVID-19 oo Dhaafay 60 Milyan Caalamka oo Dhan

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In