Kumanaan shacab reer israa’iil ah ayaa dhowr magaalo ee dalkaasi ah ka dhigay dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in uu is casilo Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Benyamin Netanyahu..
Sida ay xustay warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil, arinkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii dalkaasi uu ka dhaqan galay khafiifinta xakamaynta Covid19.
banaanbaxyaasha intooda badan ayaa isugu soo baxay magaalada Qudus iyo goobo kale iyagoo dalbanaya inuu is casilo Netanyahu.
Booliiska ayaa ku xiray Qudus todobo qof oo ka mid ah taageerayaasha Netanyahu,kuwaasi oo lagu tuhmay falal ka dhan ah bannaanbaxayaasha.
Bannaanbaxyada ugu waawayn ayaa ka dhacay, xarunta Ra’iisal wasaare Netanyahu ka daggan yahay Qudus.
Sidoo kale magaalooyinka Tal-aviv, Xayfa, iyo Qaysariya, ayaa waxaa isugu soo baxay dadwayne farabadan oo ka soo horjeeda Natanyahu.
Wargayska afka dheer Haaretz ee ka soo baxa Isra’iil ayaa sheegay in muddo bil ah ay kumannaan shacabka dalkaasi ay ka dhigayeen bannaanbaxyo dalka qaybihiisa kala duwan, waxayna kaga soo horjeedaan Netanyahu iyo xukuumaddiisa, iyagoo ku eedaynaya maamul xumo iyo sida aan wanaagsanayn ay ula tacaaleen Corona Virus.