Thursday, June 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan watashi ah oo lagu xaqiijinayay Istaraatijayada Qaranka ee xalka-waara oo Muqdisho lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Kulan watashi ah oo lagu xaqiijinayay Istaraatijayada Qaranka ee xalka-waara oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan watashiga ah oo lagu xaqiijinayay Istaraatijayada Qaranka ee xalka-waara ayaa maanta lagu qabtay magaalada muqdishu kaasoo socon doonto muddo labo cisho ah, waxaa kasoo qeybgalay xubno ka socday dowlada federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobaleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Booga Istaraatiijayadan oo la qoray islamarkaana loo qeybiyay Xubnaha kulanka ka soo qeyb galaya ayaa waxa ay qeexaysaa sidii xalka waraa looga gaari lahaa dadka barakacayaasha ah, qaxootiga iyo tahriiyaasha, waxaana kasoo qeyb galayaasha kulanka ay isku raaceen sidii arrimahan looga gudbi lahaa.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

Agaasinka Xalka-waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gaashiga iyo Horumarinta dhaqalaaha dowladda Soomaaliya ayaa qeexday mudnaan siisinta Istaraajiyadan.

Waxayna tilmaamtay in ahmiyadd weyn ay u leedahay Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, islamarkaana ay soo martay marxalada kala duwan oo lagu diyaarinayay, iyadoo sidoo kalana tilmaamtay in wadatashiyo ballaaran lagala yeeshay Maamul Gobaleeyada Dalka iyo Hay’adaha dowladda federaalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

Istaraatijyadan ayaa mudnaanta koowaad siinaysaa barakacayasha, qaxootiga soo laabanayo, Muwaadin kasta waa in uu helaa adeegayada dadweynaha sida guryo, Caafimaadka Biyo Nadiif ah, iyo Waxbarashada Bilaash ah oo ay Dowladu bixiso.

Sidoo kale Istaraajidan ayaa lagu soo daray Arrimaha Fatahaadaha ee ku soo laab laabto Dalka Qeybo ka mid ah in laga gaaro maareyn wanaagsan sida ka hortag fahaatada, iyo in la dayactiro kanaalada, waxaa kaloo meesha ka marneyn in dib u dajin loo sameeyo dadka ku nool Wabiyada hareerahiisa tasoo horseedi karo xal wanaagsan oo looga gaashamanaayo masiibiiyinka imaan kara.

Kulankan ayaa inta uu socday waxaa si fiican loo lafo guray arrimo badan waxaana ka mid ah in Dowladda ay abuurto jawi fududeynayo Caddaalad Dhameystin oo Dadka oo dhan gaarta iyada oo la horumarinayo nidaamka Maxkamadaha iyo garsoorka si xaquuq ay u wada helaanMuwaadintiinta.

Wasiirka Wasaaradda Qorheynta, Mudane Jamaal Maxamed oo kulanka ka dib la hadlay ka soo qeyb galayaasha ayaa ku booriyay in dalka la gaarsiiyo isku filnaan buuxdo waxuuna intaasi ku daray in dhamaan Wasaaraddaha Dowlada ay qeyb ka yihiin Shaqadan Wanaagsan ee Istaraatiijidaya Dalka oo afarta sano ee soo socota gundhig u ah Wadanka

Ugu Dambeyntii Kulankan ayaa Maalinta barri ah la soo gaba-gabayn doonaa iyadoo la filayo in Watashiga Istaraajiyada Xalka-waara ee la doonayo in lagu dabaqo Tiirarka Qorshaha Horumarinta Soomaaliyeed laga soo saaro Qodobo muhiim ah oo Afarta sano ee Soo Socoto Dalka Lagu hormariyo.

-Dhamaad-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka ee Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumairnta dhaqaalaha.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo koobka gudiinsiiyey degmada Shingaani.

Next Post

Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa Muqdisho ku qabatay Tababar ku saabsanaa Xoojinta Dadaalada ka Hortagga Askareynta Caruurta.

Next Post
Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa Muqdisho ku qabatay Tababar ku saabsanaa Xoojinta Dadaalada ka Hortagga Askareynta Caruurta.

Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa Muqdisho ku qabatay Tababar ku saabsanaa Xoojinta Dadaalada ka Hortagga Askareynta Caruurta.

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In