Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan watashi ah oo lagu xaqiijinayay Istaraatijayada Qaranka ee xalka-waara oo Muqdisho lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Kulan watashi ah oo lagu xaqiijinayay Istaraatijayada Qaranka ee xalka-waara oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan watashiga ah oo lagu xaqiijinayay Istaraatijayada Qaranka ee xalka-waara ayaa maanta lagu qabtay magaalada muqdishu kaasoo socon doonto muddo labo cisho ah, waxaa kasoo qeybgalay xubno ka socday dowlada federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobaleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Booga Istaraatiijayadan oo la qoray islamarkaana loo qeybiyay Xubnaha kulanka ka soo qeyb galaya ayaa waxa ay qeexaysaa sidii xalka waraa looga gaari lahaa dadka barakacayaasha ah, qaxootiga iyo tahriiyaasha, waxaana kasoo qeyb galayaasha kulanka ay isku raaceen sidii arrimahan looga gudbi lahaa.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Agaasinka Xalka-waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gaashiga iyo Horumarinta dhaqalaaha dowladda Soomaaliya ayaa qeexday mudnaan siisinta Istaraajiyadan.

Waxayna tilmaamtay in ahmiyadd weyn ay u leedahay Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, islamarkaana ay soo martay marxalada kala duwan oo lagu diyaarinayay, iyadoo sidoo kalana tilmaamtay in wadatashiyo ballaaran lagala yeeshay Maamul Gobaleeyada Dalka iyo Hay’adaha dowladda federaalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

Istaraatijyadan ayaa mudnaanta koowaad siinaysaa barakacayasha, qaxootiga soo laabanayo, Muwaadin kasta waa in uu helaa adeegayada dadweynaha sida guryo, Caafimaadka Biyo Nadiif ah, iyo Waxbarashada Bilaash ah oo ay Dowladu bixiso.

Sidoo kale Istaraajidan ayaa lagu soo daray Arrimaha Fatahaadaha ee ku soo laab laabto Dalka Qeybo ka mid ah in laga gaaro maareyn wanaagsan sida ka hortag fahaatada, iyo in la dayactiro kanaalada, waxaa kaloo meesha ka marneyn in dib u dajin loo sameeyo dadka ku nool Wabiyada hareerahiisa tasoo horseedi karo xal wanaagsan oo looga gaashamanaayo masiibiiyinka imaan kara.

Kulankan ayaa inta uu socday waxaa si fiican loo lafo guray arrimo badan waxaana ka mid ah in Dowladda ay abuurto jawi fududeynayo Caddaalad Dhameystin oo Dadka oo dhan gaarta iyada oo la horumarinayo nidaamka Maxkamadaha iyo garsoorka si xaquuq ay u wada helaanMuwaadintiinta.

Wasiirka Wasaaradda Qorheynta, Mudane Jamaal Maxamed oo kulanka ka dib la hadlay ka soo qeyb galayaasha ayaa ku booriyay in dalka la gaarsiiyo isku filnaan buuxdo waxuuna intaasi ku daray in dhamaan Wasaaraddaha Dowlada ay qeyb ka yihiin Shaqadan Wanaagsan ee Istaraatiijidaya Dalka oo afarta sano ee soo socota gundhig u ah Wadanka

Ugu Dambeyntii Kulankan ayaa Maalinta barri ah la soo gaba-gabayn doonaa iyadoo la filayo in Watashiga Istaraajiyada Xalka-waara ee la doonayo in lagu dabaqo Tiirarka Qorshaha Horumarinta Soomaaliyeed laga soo saaro Qodobo muhiim ah oo Afarta sano ee Soo Socoto Dalka Lagu hormariyo.

-Dhamaad-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka ee Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumairnta dhaqaalaha.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo koobka gudiinsiiyey degmada Shingaani.

Next Post

Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa Muqdisho ku qabatay Tababar ku saabsanaa Xoojinta Dadaalada ka Hortagga Askareynta Caruurta.

Next Post
Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa Muqdisho ku qabatay Tababar ku saabsanaa Xoojinta Dadaalada ka Hortagga Askareynta Caruurta.

Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa Muqdisho ku qabatay Tababar ku saabsanaa Xoojinta Dadaalada ka Hortagga Askareynta Caruurta.

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In