Munaasabadan oo lagu daahfuray Mu’asasada Sheekh Maxamed Macalin ee ka shaqeysa arrimaha dar dar galinta waxbarashada faafinta diinta islaamka, dib u heshiisiinta, iyo cilmi baarista ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Mu’asasada Culimaau’diinka Soomaaliyeed hay’adda culimada Soomaaliyeed Xildhibaano aqoonyahano, dhalinyaro iyo odayaasha dhaqanka ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho.
Sheekh Cabdifataax Xasan Axmed (Sheekh Shimbirow) oo xubin ka ah mu’suuliyiinta mu’asasada Iyo Sheekh Cabdirisaaq Macalin Aadan oo is na ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah ugu hadlay muhiimadda ay leedahay horumarinta iyo barashada diinta iskaamka,iyo ka shaqeynta arrimaha waxbarashada.
Gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa kula dardaarmay Culimada inay kordhiyaan dadaalada iyo wacyigalinta bulshada ,
Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed (cabdirisaaq dheere ) ayaa ku amaanay culimada dadaalada ay ku wacyi galinayaan bulshada “waxaan culimada Soomaaliyeed ugu mhad celinayaa doorka muuqda oo ay ka qaateen barashada diinta iskaamka, iyo ka shaqeynta arrimaha waxbarashada”.