Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim, oo maanta khubad ka jeedisay shirka madashada Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo Muqdisho ka furmay ayaa ka hadashay arrimaha dhowr ah; haweenka, siyaasadda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha inta lagu jiro doorashooyinka.
Wasiir Xaniifa, ayaa xustay in wasaaraddu ku howlan tahay sidii loo xaqiijin lahaa kuraasta haweenka ay ku leeyihiin golliyaasha dowladda taas oo ah 30%.
Sidoo kale, waxay khubadeeda uga hadashay wada shaqeynta wasaaradda haweenka ay la leedahay kuwa dowlad goboleedyada gaar ahaan arrimaha la xiriira haweenka iyo dhowridda xuquuqul insaanka.
Wasiirka Haweenka Soomaaliya, oo hadalkeeda sii wadata ayaa carrabka ku adkeysay ahmiyadda ay leedahay in la ilaaliyo xoridda qofka guud ahaan gaar ahaan xilliga doorashada.
Wasiir Xaniifa ayaa ugu baaqday laamaha garsoorka gaar ahaan xeer ilaalinta in ay caddaaladda hor keenaan qof kasta oo xadgudub u geysta haweenka si uu u wajaho garsoorka.