Hal qof ayaa u dhintay 300 oo kale isbitaal ayaa loo seexiyay xanuun cusub oo aan wali la garan kaas oo lagu arkay dalka Hindiya.
Gobolka of Andhra Pradesh ee koonfuurta Hindiya ayaa dhaqaatiirtu sheegeen in xanuunka uu ka jiro.
Sida ay sheegtay wakaalada wararka Hindiya nin 45 jir ah ayaa xanuunka u dhintay kadib markii isbitaalka la keenay isaga oo loo hayay sida calaamadaha xanuunka qalalka oo kale .
Xanuunka ayaa la sheegay in uu marka hore qofka dareemayo matag marka xigtana uu miir daboolmayo istaagana ka dhacayo.
Waaxda caafimaadka ee gobalka of Andhra Pradesh ayaa baartay biyaha deegaanka laga cabo balse waa laga waayay wax sun ah .