Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dab khasaare nafeed dhaliyay oo qabsaday isbitaal Turkiga ku yaala

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Dab khasaare nafeed dhaliyay oo qabsaday isbitaal Turkiga ku yaala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu yeraan sideed qof ayaa dhimatay ka dib markii mashiinka lagu neefsida dab ku qabsaday isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala magaalada Koofurta Turkiga ee Gaziantep, sida uu xaqiijiyay isbitaalku.

Qeybta mashaqada ka dhacday ayaa ah qolka la seexiyo dadka la il-daran xanuunka corona ee isbitaalka  jaamacadda Sanko, sida lagu sheegay bayan ka soo baxay jaamacadda.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

March 4, 2026
Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026

Todobo kamid ah bukaanada jeefay isbitaalka ayaa goobta ku geeriyootay halka mid kale uu dhaawaciisa soo gaaray dartiis ku dhintay goor dambe, iyadoo dadka dhintay da’dooda u dhexeysay 65 ilaa 85 sano.

Qaraxa ka dib 14 bukaan oo xanuunka corona qaba ayaa loo wareejiyay isbitaal kale.

Waaxda dab damiska booliiska ayaa si deg deg ah goobta ku yimid, waxayna bilaabeen baaritaan ku aadan wixii dhacay.

Guud ahaan Turkiga 74 % sariiraha loogu talagalay dadka daryeelka gaarka ah u baahan ee xanuunka corona ayaa buuxa, sida laga soo xigtay xogta dowladda.

Jimcihii shalay, wasaaradda caafimaadka Turkiga waxay sheegyay in 26,410 oo kiisas cusub oo corona ah la diiwaan geliyay 24 saac ee la soo dhaafay, tirada guud ee cudurka corona ayaa gaaray 1.98 million tan iyo bishii Maarso.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo interlock ah oo isku xirta Furayaasha iyo suuqa Xararyaalle”SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda caafimaadka XFS oo tababbar ku saabsan dhimirka u soo xirtay xirfadleyaal caafimaad+SAWIRRO

Next Post
Wasaaradda caafimaadka XFS oo tababbar ku saabsan dhimirka u soo xirtay xirfadleyaal caafimaad+SAWIRRO

Wasaaradda caafimaadka XFS oo tababbar ku saabsan dhimirka u soo xirtay xirfadleyaal caafimaad+SAWIRRO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga...

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In