Monday, May 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

DAAWO: Taliska Booliska oo taageerayaasha xulalka Banaadir iyo Galmudug u diray farriin amniga la xiriirta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Ciyaaraha, Maqal Iyo Muuqaal, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed  Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin amniga la xiriirta u diray taageerayaasha xulalka Galmudug iyo gobolka Banaadir ee barri ka qaybgalaya daawashada cayaarta kama dambaysta ah ee koobka dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka dhaceyso garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Waxa uu dhallinyarada daawashada cayaarta uga imaanaya daafaha iyo degmooyinka Gobolka Banaadir faray inay ilaaliyaan nidaamka loo dajiyey sugista amniga, lana shaqeeyaan ciidamada Booliska ee u hawlgalaya in si nabadgalyo ah cayaartu ku dhacdo.

Related posts

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026

Taliye Xijaar ayaa ka codsaday daawadayaasha garoonka tagaya inay ilaaliyaan xasiloonida, cid walbana looga dambeeyo hawsha ay mas’uulka ka tahay sida xiriirka kubadda cagta iyo laamaha ammaanka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed  Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sidoo kale xusay in koobkan oo bilowday 20-kii bishan uu sare u qaaday isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed, uuna muujiyey xirfadda cayaartoy badan oo loo qaadan karo heer Qaran.

Xulalka Galmudug iyo Banaadir ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah ay wada cayaaraan kulanka kama dambeysta ah ee tartanka dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ujeedkiisu yahay in looxiyo isdhexgalka bulshada.

Halkan ka Daawo hadalka Taliyaha ciidanka booliska

Previous Post

Safiirka Soomaaliya u jooga Dalka Ethiopia oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Wasiirkii hore ee Amniga Puntland

Next Post

DAAWO SAWIRRADA Shirka Madasha Aragti Wadaagga ee ka furmay Garoowe

Next Post
DAAWO SAWIRRADA Shirka Madasha Aragti Wadaagga ee ka furmay Garoowe

DAAWO SAWIRRADA Shirka Madasha Aragti Wadaagga ee ka furmay Garoowe

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

May 24, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare ah u soo agaasintay xuska Maalinta Afrika (African Day), oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In