Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya u jooga Dalka Ethiopia oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Wasiirkii hore ee Amniga Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya u jooga Dalka Ethiopia oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Wasiirkii hore ee Amniga Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Amniga Puntland marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf “Dawlad” oo xalay ku geeriyooday Garoowe, wuxuuna rabbi uga baryey naxariis iyo inuu janadiisa firdowsa ka waraabiyo.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026

Safiir Camey wuxuu tilmaamay in xiligii uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahaa ay marxuumka isla soo shaqeeyeen, maadaama uu kamid ahaa Golihiisii Wasiirada ee maamul goboleedka Puntland.

“Si wanaagsan ayaan u aqaanay marxuum Cabdullaahi Dawlad, shaqo wadaag iyo saaxiibo dhow ayaanu ahayn, shaqadii uu hayey nin ku filan ayuu ahaa, sidoo kale wuxuu ahaa masuul jecel in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nabadgelyo, degenaansho iyo barwaaqo, mana jeclayn inuu qaato go’aano wax yeelaya wadajirka Soomaaliya” ayuu yiri Safiir Camey.

Danjire Eng Camey wuxuu marxuumka ilaahay u waydiiyey inuu qabriga u qaboojiyo una waasiciyo, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tagey, hoygiisana uu ka yeelo jannatul firdowsa.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in laga wada fadhiisto wixii khilaaf ah ee jira

Next Post

DAAWO: Taliska Booliska oo taageerayaasha xulalka Banaadir iyo Galmudug u diray farriin amniga la xiriirta

Next Post
DAAWO: Taliska Booliska oo taageerayaasha xulalka Banaadir iyo Galmudug u diray farriin amniga la xiriirta

DAAWO: Taliska Booliska oo taageerayaasha xulalka Banaadir iyo Galmudug u diray farriin amniga la xiriirta

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In