Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorka Haweenka ee Hogaaminta dalka iyo siyaasadda oo laga hadlay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Doorka Haweenka ee Hogaaminta dalka iyo siyaasadda oo laga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hotelka Martisoor oo ku yaala magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad goboleedka Puntland waxaa maanta kulan ku yeeshay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo madaxda Dowlad Goboleedyada, kuwaas oo magaalada Garoowe u jooga ka qeyb galka madasha aragti Wadaagga ee Heritage.

Kulanka oo  ahaa mid qado ah oo uu Machadka Heritage u sameeyay mas’uuliyiintan waxaan Dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale oo ay Wasiiro ka mid yihiin, dhanka musharixiintana waxaa joogay Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, mas’uuliyiin kale oo ay ka midyihiin Cabdikariin Xuseen Guuleed, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Sidoo kale waxaa dhinaca Maamulka Goboleedyada ka joogay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, waxaana shirkan lntiisa badan looga hadlayay xaaladda Wadanka, gaar ahaan xiligan kala guurka ah iyo sidii ay Dalka doorasho la isla ogolyahay uga dhicin laheyd.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026

Intaasi ka dib  mas’uuliyiiitan ayaa kulan kale oo dhowr saacadood qaatay waxa ay la yeesheen haween Soomaaliyeed oo meelo kala duwan ka kala yimid, waxaana kulankan looga hadlay doorka ay haweenka ku leeyihiin siyaasadda iyo hogaaminta Dalka.

Habeenkii kulanka joogay waxa ay madaxda Garoowe ku sugan ka codsadeen in heshiiska la gaari doono mar walba lagu ilaaliyo qoondada ah 30% ee ay Dumarku leeyihiin, taasi oo loo baahanyahay in ay mar walba noqoto mid ku cad heshiis walba oo la gaaro.

Madasha aragti wadaagga ee Heritage ee ka socda magaaladda Garoowe, waxaa barbar socda kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda madashan ka qeyb galeysa.

Previous Post

Wiil da’yar ah oo farsamada gacanta ku sameeyay diyaarad aad u qurux badan “SAWIRRO”

Next Post

Booliska Soomaaliya oo la siinayo tababar la xiriirta ammaanka doorashooyinka “SAWIRRO”

Next Post
Booliska Soomaaliya oo la siinayo tababar la xiriirta ammaanka doorashooyinka “SAWIRRO”

Booliska Soomaaliya oo la siinayo tababar la xiriirta ammaanka doorashooyinka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In