Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirradda Ra’iisul wasaaraha dalka oo kormeer ku tagay Xerada Balli-doogle

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar shaqo oo uu ku dhiirigelinayo ciidanka Xoogga dalka ku tagey Balli-doogle oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku howl-galaan Ciidanka Kumaandooska Danab Guutada 16.
Raisul Wasaare Rooble ayaa waxaa socdaalka ku weheliyay Wasiirka Difaaca Mudane Xasan Xaaji ,Wasiirka Caafimaadka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Odawaa Yuusuf Raage ,waxana uu Ra’isul Wasaaraha ku amaanay saraakiisha iyo ciidamada howsha qaran ee muhiimka ah ee ay dalka u hayaan ee ah difaaca dalka iyo la dagaalanka argagaxisada.
Ra’isul Wasaare Rooble oo hadlayay ayaa waxaa uu u yiri
“Waxan idin kugu nimid inaan idin xogwareysano oo dhiirigelinayo dadaalkiina ku addan dagaalka aad kula jirtaan cadowga. Maadaama aan hiigsaneyno mustqabalka dhow in ciidamadeennu ay si buuxda ula wareegaan guud ahaan Amniga Qaranka. Iyadoo shaqo aan ka shaqeynayno dhammeystirka hannaanka ciidanka iyo soo celinta xarumahooda, si aan u soo saarno ciidan u diyaarsan hab casri ah oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan agabka, xirfadaha iyo baahiyahooda ciidan”

Tags: Daawo Sawirradda Ra'iisul wasaaraha dalka oo kormeer ku tagay Xerada Balli-doogle
Previous Post

Wasaaradda Amniga XFS oo mamnuucday hubka lala galo gudaha Garoonka Aadan cadde

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo diyaarisay Qorshaha howleedka Wasaaradda Dowladda ee 2021

Next Post
Wasaaradda Qorsheynta XFS oo diyaarisay Qorshaha howleedka Wasaaradda Dowladda ee 2021

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo diyaarisay Qorshaha howleedka Wasaaradda Dowladda ee 2021

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In