Wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulanka Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowlada iyo hay’adaha Dowlada iyada oo ujeedkuna yahay Soo Bandhigida dib u eegista waxyaabihii u qabsoomay hay’adaha DFS 2020 e iyo qorshe howleedka 2021 10-Janaayo-2021.
Ujeedda Shirkani wuxuu xambaarsanaa ayaa waxay aheyd Soo bandhigidda waxqabadka hay’adaha dowladda federaalka sannadka 2020 iyo soo gudbinta qorshe howleedka hay’daha dowlad ee 2021, iyo Dar-dar gelinta hirgalinta Qorshaha Horumarinta Qaranka (QHQ9-Aad), iyo Joogteynta shirarka Agaasimeyaasha Guud iyo xog-hayaasha joogtada ah iyo amba-qaadista shaqooyinka Qaranka si loo xaqiijiyo gaarsiinta adeegyada dadweynaha.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdiqaadir Maxamed Aadan oo daahfuray kulanka ayaa ka sheekayay ujeedada uu xambaarsan yahay kulank, sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha dowladda, Ambaqaadka hirgelinta Qorshaha Horumairnta Qarana, isla markaana la xaqiijiyo hadafyada hirgalinta Qorshaha sanadlaha ah ee qoran.
Kullanka ayaa lagu gorfeeyay maxaa sanadka qabsoomay, maxaa qabsoomin, kuwee socda iyo kuwa la gaari waayay ayaa la soo bandhigay, marka loo fiirayo caqabdaha jiray ee sanadka 2020 dowlada Soomaaliya waxa ay gaartay halbeeg sare baqalkiiba 73% tasoo qeexayso shaqooyinka muhiimka ah ee la qabtay.
Sidoo kale waxaa layska gartay hanaanka oo muhiim u ah Qaranka kuwaas oo kala ah dhisidda kormeerka iyo Qiimeynta oo lagu cabbiro dhamaan waxqabadka hay’adaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn, dib- u eegista waxqabadka hay’adaha dowladda oo lagu saleeyay Qorshaha horumairnta qaranka Soomaaliyeed, tasoo lagu sameeyn doona saddex bilood, Lix bilood iyo mid sananadla ah si loo horumariyo Adeegyada guud ee umadda loo qabanayo.