Saturday, December 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddigii xal u helidda iyo ka tala bixinta Diidmada shilin Soomaaliga oo go’aamo soo saaray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddigii xal u helidda iyo ka tala bixinta Diidmada shilin Soomaaliga oo go’aamo soo saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddigii gaarka ahaa Puntland u saartay ka soo tala bixinta iyo xal u helidda qiima dhaca Shillinka Soomaaliga ayaa galabta soo bandhigay qodobo dhowr ah oo ay ku taliyeen, si xal loogu heli karo qaadashada Shillinka Soomaaaliga, waxaana ka mid ahaa qodobada ay soo saareen guddigaani.

  1. In la socodsiiyo shilling Soomaaliga, go’aamada waxaa iska kaashanaya dowladda, ganacsatada iyo bulshada, iyadoo mid walba qayb loo jaan gooyay xarayn doono.
  2. In Bangiga lagu xereeyo lacagta shilling Soomaaliga ee ku badan suuqa, dowladda ayaa bar xerayn doonta, halka barka kalena ay ganacsatadu xerayn doonaan.
  3. Dowladdu canshuurta dekedda Boosaaso 20% ku qaaddo Shilling Soomaali.
  4. In dowladdu mushahar iyo adeegyada dowladda 20% ku bixiso Shilling Soomaali.
  5. Waxaa meesha laga saaray kala duwanaanshanaha sarifka lacagaha qalaad iyadoo uu jaan goyn doono bangiga dhexe ee Puntland.
  6. Waxaa la joojiyey qulqulka lacagaha Shilling Soomaaliga ee u kala gooshaya gobolada Puntland, iyadoo loo xilsaaray bangiga dhexe ee Puntland.
  7. In dowladdaha Hoose canshuuraha ku qaadaan Shilling Soomaaliga, gaar ahaan kuwa maalin laha ah.
  8. In sariflayaashu ruqsad ka qaataan bangiga dowladda, ayna raacaan xeerarka bangiga si uusan u imaan khalkhal sarif.
  9. Shirkadaha isgaarsiinta waxaa loo fasaxay adeegyadii horay looga xayiray.
  10. In shirkadaha Ganacsi ee gaar ka loo leeyahay, gaar ahaan korantada iyo biyuhu ka qaadaan macaamiishooda shilin Soomaaliga.

Maalmihii danbe Guud ahaan deegaanada Puntland waxaa ka taagnaa xaalad cakiran oo la xiriirta socon waaga shilin Soomaaliga iyo sicir barar wada jira taasi oo saamaynteeda ugu wayn ku dhacday danyarta iyo barakacayaasha kala duwan ee ku nool Puntland.

Related posts

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

December 6, 2025
Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

December 6, 2025

Go’aamadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Bulshada Puntland si wayn uga dhursugaysay go’aamada ka soo bixi doona Guddigaani oo xal u noqon kara arintan caal waaga ku noqotay Maamulka Puntland.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeer ku tegay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kulan dhiiro gelin ah la qaatay Madaxda Bangiyadda dalka “Sawirro”.

Next Post
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble  oo kulan dhiiro gelin ah la qaatay Madaxda Bangiyadda dalka “Sawirro”.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kulan dhiiro gelin ah la qaatay Madaxda Bangiyadda dalka "Sawirro".

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DOHA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta ka qayb...

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Amiir Dalka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Amiir Dalka Qatar

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DOHA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Qalalaasaha Boorama

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Qalalaasaha Boorama

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- BAAQ NABADEED Marka hore, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay bannaanbaxii ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In