Saturday, May 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddigii xal u helidda iyo ka tala bixinta Diidmada shilin Soomaaliga oo go’aamo soo saaray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddigii xal u helidda iyo ka tala bixinta Diidmada shilin Soomaaliga oo go’aamo soo saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddigii gaarka ahaa Puntland u saartay ka soo tala bixinta iyo xal u helidda qiima dhaca Shillinka Soomaaliga ayaa galabta soo bandhigay qodobo dhowr ah oo ay ku taliyeen, si xal loogu heli karo qaadashada Shillinka Soomaaaliga, waxaana ka mid ahaa qodobada ay soo saareen guddigaani.

  1. In la socodsiiyo shilling Soomaaliga, go’aamada waxaa iska kaashanaya dowladda, ganacsatada iyo bulshada, iyadoo mid walba qayb loo jaan gooyay xarayn doono.
  2. In Bangiga lagu xereeyo lacagta shilling Soomaaliga ee ku badan suuqa, dowladda ayaa bar xerayn doonta, halka barka kalena ay ganacsatadu xerayn doonaan.
  3. Dowladdu canshuurta dekedda Boosaaso 20% ku qaaddo Shilling Soomaali.
  4. In dowladdu mushahar iyo adeegyada dowladda 20% ku bixiso Shilling Soomaali.
  5. Waxaa meesha laga saaray kala duwanaanshanaha sarifka lacagaha qalaad iyadoo uu jaan goyn doono bangiga dhexe ee Puntland.
  6. Waxaa la joojiyey qulqulka lacagaha Shilling Soomaaliga ee u kala gooshaya gobolada Puntland, iyadoo loo xilsaaray bangiga dhexe ee Puntland.
  7. In dowladdaha Hoose canshuuraha ku qaadaan Shilling Soomaaliga, gaar ahaan kuwa maalin laha ah.
  8. In sariflayaashu ruqsad ka qaataan bangiga dowladda, ayna raacaan xeerarka bangiga si uusan u imaan khalkhal sarif.
  9. Shirkadaha isgaarsiinta waxaa loo fasaxay adeegyadii horay looga xayiray.
  10. In shirkadaha Ganacsi ee gaar ka loo leeyahay, gaar ahaan korantada iyo biyuhu ka qaadaan macaamiishooda shilin Soomaaliga.

Maalmihii danbe Guud ahaan deegaanada Puntland waxaa ka taagnaa xaalad cakiran oo la xiriirta socon waaga shilin Soomaaliga iyo sicir barar wada jira taasi oo saamaynteeda ugu wayn ku dhacday danyarta iyo barakacayaasha kala duwan ee ku nool Puntland.

Related posts

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026

Go’aamadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Bulshada Puntland si wayn uga dhursugaysay go’aamada ka soo bixi doona Guddigaani oo xal u noqon kara arintan caal waaga ku noqotay Maamulka Puntland.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeer ku tegay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kulan dhiiro gelin ah la qaatay Madaxda Bangiyadda dalka “Sawirro”.

Next Post
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble  oo kulan dhiiro gelin ah la qaatay Madaxda Bangiyadda dalka “Sawirro”.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kulan dhiiro gelin ah la qaatay Madaxda Bangiyadda dalka "Sawirro".

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb. Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka XDS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

May 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid...

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

May 14, 2026
0

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay u dhaceen doorashooyinka isku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In