Friday, June 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo daahfuray Dib u eegista Qaab-dhismeedka Darajooyinka iyo Mushaarka Shaqaalaha Rayidka “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo daahfuray Dib u eegista Qaab-dhismeedka Darajooyinka iyo Mushaarka Shaqaalaha Rayidka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii u horreeyay oo la xiriira Dib u eegista ,Qiimeynta  iyo Dib u habeynta Qaabdhismeedka Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee dawladda ayaa maanta ka furmay caasimadda Muqdisho, iyadoo uu daahfuray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Agaasimayaasha guud ee Hay’adaha dawladda, khubaro saameynaysa qiimeynta iyo xubno kale oo ka socday hay’adaha ay quseyso.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

Guddoomiyaha guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa sheegay in marxalado kala duwan la soo maray inta ay socotay hannaanka horumarinta iyo mushaar bixinta Shaqaalaha Rayidka Dawladda, wuxuuna caddeeyay waqtigan dib u habeyntooda in laga hadlayo inay tilmaam ka bixinayso sida ay dawladda uga go’antahay Shaqaalaha Rayidka inay noqdaan kuwa awood leh.

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay dawladda inay muddo 49 bilood ah si joogta ah u bixisay mushaaraadka Shaqaalaha, isagoo sheegay dib u qaabeyntana in laga dhaxlayo horumarinta iyo joogteynta tayada iyo xaquuqda Shaqaalaha Rayidka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa xaqiijiyay dawladda inay sameysay dadaallo badan oo dib u habeyn loogu sameynayay  nidaamka iyo hannaanka maareynta Shaqaalaha Rayidka kuwaas oo ay ka mid tahay shuruuc iyo siyaasado la doonayo in lagu taaba galiyo sarena loogu qaado dawlad wanaagga hay’adaha dawladda iyo adeegyada ay bixiyaan.

Previous Post

Qaramada Midoobay oo ka digtay xaaladda cuni yari ee ka jirta Xudur

Next Post

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay madaxweynaha Hirshabeelle +Sawirro

Next Post
Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay madaxweynaha Hirshabeelle +Sawirro

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay madaxweynaha Hirshabeelle +Sawirro

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In