Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Daah Furay Shirweynaha Saddexaad Ee Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada Puntland “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Daah Furay Shirweynaha Saddexaad Ee Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Shirweynaha saddexaad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey Shirka isagoo rajeeyay in maalmaha uu socdo ay kasoo baxaan tallooyin wanaagsan, oo ka qeyb qaata badaadinta deegaanka.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay shirka in Dowladdu ciidamada ay dhistay ay door muhim ka qaadan doonaan in sharciga la mariyo dadka dhirta jara iyo kuwa dhulka qabsada iyagoo ganacsi ka raadinaya.

Dowladda Puntland ayaa hore u yareysay Cashuurta laga qaado Gaas-ka cuntada lagu karsado, si bulshadu ay uga baaqato in ay dhirta jaraan , sidoo kale Dowladdu waxay horumarisay tamarta Shirkadaha Korontada ee Boosaaso taasi oo iyana dhiirrigelinaysa in dadku korontada adeegsado.

Shirweynaha 3-aad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Hay’addaha Dowladda kala shaqeeya arrimaha deegaanka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Aqoonyahanada, Waxgaradka , Culimada iyo Ururada Bulshada.

Previous Post

Guddoomiye Cumar Filish oo warbixin ka dhageystey guddiga loo saaray xarumaha caafimaadka ee ku yaalla Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Ninka ugu taajirsan Laatiin Ameerika oo laga helay cudurka Karoona Fayras

Next Post
Ninka ugu taajirsan Laatiin Ameerika oo laga helay cudurka Karoona Fayras

Ninka ugu taajirsan Laatiin Ameerika oo laga helay cudurka Karoona Fayras

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In