Friday, May 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaarayneysaa weerarka argagixiso ee waxashnimada ah ee lagu qaaday hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho. Ilaa hadda inta la og yahay, waxaa weerarka ku dhintay 5 qof oo ku jiro General Maxamed Nuur Galaal, oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxa goobta lagu dilay 3 ka mid ah 4tii dhagar qabe ee weerarka fuliyay halka kii afraadna uu is qarxiyay. Sida uu sheegay Afhayeenka booliska Soomaaliyeed oo Warbaahinta la hadlay.

Related posts

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026

Ciidamadda Qaranka ayaa ugu dambayn toogtay Maleeshiyaadkii Alshabaab, soona afjaray Weerarkii Argagixisanimo. Galaal waxa uu ka mid ahaa tiro yar oo ka nool dadkii u soo joogay Dhismaha Ciidanka Somalia, xornimaddii kadib, Wuxuuna soo qabtay Xilal kala duwan oo ciidan iyo Wasiirnimo.

Waxay dowladda Federaalku u tacsiyeyneysaa qoysaskii iyo eheladii uu ka geeriyooday General Maxamed Nuur Galaal, oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday iyo muwaadiniinta kale ee ku dhimatay.

Dhamaan intii ku dhimatay naxariistii janno Allah ha ka waraabiyo. Ciidamada dowladda, ayaa ku amaanan sida ay u xaqiijiyaan badbaadinta muwaadiniin hoteelka ku sugnaa markii qarayada lagu weeraray maleeshiyo hubsana ay galeen Hoteelka.

Kooxaha argagixisada, ayaa caadeysatay waxyeelada dadka rayidka ah, kadib markii ciidamada dowladdu kaga adkaadeen furimaha dagaalka, iyadoo laga qabsaday goobo badan, isla markaana inta badan madaxdooda lagu laayay duqeymo cirka ah oo qorsheysan.

Ciidamada amnigu marnaba kama daali doonaan la dagaalanka iyo soo afjaridda kooxaha argagixisada. Wixii faahfaahin ah ee la xiriira weerarka, dib ayaan idiinla soo wadaagi doonnaa.

Previous Post

Dowlada Turkiga oo canbaareysay weerarka argagaxiso ee ka dhacay Muqdisho

Next Post

Taarikhda AUN Jenaraal Maxamed Nuur Galaal

Next Post
Taarikhda AUN Jenaraal Maxamed Nuur Galaal

Taarikhda AUN Jenaraal Maxamed Nuur Galaal

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb. Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka XDS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

May 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid...

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

May 14, 2026
0

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay u dhaceen doorashooyinka isku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In