Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka haweenka iyo wafdiga balaaran oo maanta safar ku tagay Bardaale +sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
February 2, 2021
in Wararka
0
Wasiirka haweenka iyo wafdiga balaaran oo maanta safar ku tagay Bardaale +sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, xukuumadda Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, iyo wefdi isugu jiro wasiiro, taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta safar ku tagay degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Wafdiga ayaa intii ay halkaas joogeen waxay tageen xerada lagu diyaarinayo ciidan loogo talagalay in ay argagaxisada la xoreeyaan deegaanada hoos yimaadda degmada.
Sidoo kale, wasiir Xaniifa iyo mas’uuliyiinta kale waxay kulan la yeesheen maamulka degmada iyo qeybaha bulshada ayagoo ka xog wareystay xaaladda guud ee degmada Bardaale.
Wasiirka Haweenka Soomaaliya wafdiga maanta ku wehliyay safarka Bardaale, waxaa kamid ahaa wasiirka Caddaaladda xukuumadda Soomaaliya, mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, mudane Cabdifitaax Qaasim, Xildhibaan Malaaq Dhaayow oo ka tirsan golaha shacabka iyo taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Janaraal Cabbaas Aamin Cali.
Wafdiga ayaa si nabad ah ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay safar shaqo oo ku tageen gobolka Baay.
Previous Post

Shaqaalaha Rayidka ee Wasaaradda Beeraha oo ka qeyb qaatay Barnaamijka Isxilqaan “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyey Furitaanka Shirka Wadatashiga Samareeb “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyey Furitaanka Shirka Wadatashiga Samareeb “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyey Furitaanka Shirka Wadatashiga Samareeb “SAWIRRO”

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda, kaasoo ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In