Khubarada Qaramada Midoobe u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay 57 dal inay si deg deg ah muwaadiniintooda ugala baxaan xeryaha qaxootiga ee ku yaal dalka Suuriya.
Khubarad ayaa sheegay in xaalad halis ah oo bini aadanimo ka jirto xeryaha qaxootiga gaar ahaan labada xero ee Al-hool iyo Rooj oo ay ku sagan yihiin qaxooti badan.
Qaxootiga ku jira xeryahaas ayaa lagu qiyaasaa inay gaarayaan 64,000, oo ay ka mid yihiin dad kasoo jeeda wadamada Azerbaijan, Georgia, Kazakhstan, Russia, Tajikistan iyo Uzbekistan.
Khubarada Qaramada Midoobe ayaa intaas ku daray in 80% dadka ku jira xeryahaas yihiin haween iyo carruur, isla markaana in ku dhow kala bar carruurta ay ka yar yihiin shan sano.
Dadka ku jira xeryaha qaxootiga ee Suuriya ayaa la kulma dhibaatooyin kala duwan kuwaas oo uga imaanaya kooxa hubeysan.