Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo daah-furay ololaha talaalka cudurka Sambabka Ariga “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo daah-furay ololaha talaalka cudurka Sambabka Ariga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mashruucan oo loogu talagalay in  cudurka ku dhaca sambabka ariga looga talaalo In ka badan Afar iyo Toban milyan oo ku dhaqan dalka oo dhan ayaa waxaa daah-furay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Munaasabada daah-furka sidoo kale waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta  Wasaaradda, Wasiirada Xanaanda xoolaha ee maamul goboleedyada, dhaqaatiir,  Iskaashatooyinka iyo Ururada ka shaqeeya Xanaanada Xoolaha iyo Wakiilo ka socday hey’addaha caalamiga ee Taageere wax soo saarka Xoolaha.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Cabdirisaaq Daahir Maxamuud iyo Wasiirka Xananada Xoolaha ee Hirshabelle Maxamed Ibraahim Cali ayaa ku taliyay in laga wada qeyb qaato horumarinta Caafimaadka Xoolaha.  

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo mashruuca daah-furay ayaa sheegay In talaalkaan uu qeyb ka yahay olole Balaaran oo ay wasaaraddu ugu talagshay horumarinta caafimaadka xoolaha lagana fulin doono dalka oo dhan.

Dhinaca kale wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa xusay inay ka wasaaradda Xanaanada xoolaha ahaan ay ku guuleysteyn qodobo badan oo ka mid ah barnaamijkii 100-ka maalmood ee uu kula balamay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble .

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa wada dadaalo is dabajooga oo ay ku Hormarineyso caafimaadka xoolaha oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee uu dalkeeno ku Xisaabtamo.

Previous Post

Turkiga oo ugu baaqay muwaadiniintiisa ku sugan  Myanmar inay ka fogaadaan goobaha banaanbaxyada

Next Post

Khudbadda Wasiirka Xanaanada XoolahaDhirta Iyo Daaqa ee MunaasabaddaDaahfurka Tallaalka Cudurka SambabkaAriga Soomaalia

Next Post

Khudbadda Wasiirka Xanaanada XoolahaDhirta Iyo Daaqa ee MunaasabaddaDaahfurka Tallaalka Cudurka SambabkaAriga Soomaalia

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In