Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo daah-furay ololaha talaalka cudurka Sambabka Ariga “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo daah-furay ololaha talaalka cudurka Sambabka Ariga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mashruucan oo loogu talagalay in  cudurka ku dhaca sambabka ariga looga talaalo In ka badan Afar iyo Toban milyan oo ku dhaqan dalka oo dhan ayaa waxaa daah-furay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Munaasabada daah-furka sidoo kale waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta  Wasaaradda, Wasiirada Xanaanda xoolaha ee maamul goboleedyada, dhaqaatiir,  Iskaashatooyinka iyo Ururada ka shaqeeya Xanaanada Xoolaha iyo Wakiilo ka socday hey’addaha caalamiga ee Taageere wax soo saarka Xoolaha.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Cabdirisaaq Daahir Maxamuud iyo Wasiirka Xananada Xoolaha ee Hirshabelle Maxamed Ibraahim Cali ayaa ku taliyay in laga wada qeyb qaato horumarinta Caafimaadka Xoolaha.  

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo mashruuca daah-furay ayaa sheegay In talaalkaan uu qeyb ka yahay olole Balaaran oo ay wasaaraddu ugu talagshay horumarinta caafimaadka xoolaha lagana fulin doono dalka oo dhan.

Dhinaca kale wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa xusay inay ka wasaaradda Xanaanada xoolaha ahaan ay ku guuleysteyn qodobo badan oo ka mid ah barnaamijkii 100-ka maalmood ee uu kula balamay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble .

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa wada dadaalo is dabajooga oo ay ku Hormarineyso caafimaadka xoolaha oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee uu dalkeeno ku Xisaabtamo.

Previous Post

Turkiga oo ugu baaqay muwaadiniintiisa ku sugan  Myanmar inay ka fogaadaan goobaha banaanbaxyada

Next Post

Khudbadda Wasiirka Xanaanada XoolahaDhirta Iyo Daaqa ee MunaasabaddaDaahfurka Tallaalka Cudurka SambabkaAriga Soomaalia

Next Post

Khudbadda Wasiirka Xanaanada XoolahaDhirta Iyo Daaqa ee MunaasabaddaDaahfurka Tallaalka Cudurka SambabkaAriga Soomaalia

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In