Wafdi ballaaran oo ka socday Wasaaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulgoboleedyada qeybta ka ah Unugga Iskudubbarridka Mashruuca Biyoole oo ay hoggaamineyso Xukuumadda Federaalka ayaa safar shaqo ujooga deegaannada Maamulka Puntland.
Ujeeddada socdaalkan ayaa ah sidi Maamulgoboleedyada kala ah Galmudug iyo koonfur Galbeed oo qeyb ka ahaa wafdiga maalmahan ku sugnaa deegaannada Puntland ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen biyaxireennada iyo Wara-biyoodyada deegaannadaas, ayadoo dhowaan deegaannadooda laga hirgelin doono wara-biyoodyo iyo biya-xireenno qeyb ka ah Mashruuca Biyoole ee dowladda Dhexe ay maamusho.
Dr. Cabdullaahi Cilmi oo ah iskudubbarridaha Mashruuca Biyoole ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo wafdigan hormuud u ah ayaa booqday wara-biyoodyada Farjanno ee degmada Burtinle oo horay loo dhisay iyo Rabaable oo dhowaan ladhisi doono. Wafdiga oo galabta gaaray magaalada Qardho ayaa berri booqan doona deegaannada Ceel-Daahir, Laasa-dowaco iyo wara-biyoodyada kale oo dhowaan la hirgelin doono.
Hadafka uu xambaarsan yahay Mashruuca Biyoole waa in biyo ku filan loo helo dhulka oomanaha ah ee aan Wabiyada laheyn sida dowladgoboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Somaliland, iyada oo laga faa’ideysanayo biyaha roobka ee togaggu ay wadaan si ay Xoola dhaqatada iyo beeraleyda Soomaaliyeed uga faa’ideystaan.
Mashruucaan waxaa iska leh Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ayna ka hirgelineysaa maamulgoboleedyada ka tirsan dowladda Federaalka.
Biyoole waxaa uu si gaar ah door muhiim ah uga qaadanaaya hirgelinta mashruuca Wasaaradaha Dowladda Federaalka iyo maamullada ee kala ah Wasaaradaha Qorsheynta, Wasaaraddaha Biyaha, Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Deegaanka. waxaa intaasi dheer oo qeyb ka ah mashruuca tayeynta iyo kor-u-qaadista aqooneed ee Wasaaraddaha hirgelinaya Mashruuca Biyoole ee maamulgoboleedyada iyo Dowladdaba. Mashruucu waxa uu socon doona muddo shan sano ah, waxaana ku bixi doona kharash dhan 42 milyan oo doollar oo uu Bakiga Adduunku ugu deeqay Dowladda Soomaaliya.