Saturday, September 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Fanaankii Faarax Siidow Faarax

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Fanaankii Faarax Siidow Faarax
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida fanaankii Qaranka Allaha u naxariistee, Faarax Siidow Faarax oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka Cismaan Dubbe, oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in fanaanku uu ka mid ahaa hal abuurada ugu waa weynaa oo Qaranka u soo hurey wax kasta, isla markaana dhaxal lama ilaabaan ah uga tagay dadka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah tacsi ugu diray ehelada iyo asaxaabtii uu ka baxay Marxuum Faarax Siidow Faarax.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

September 19, 2026
TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

September 19, 2026

Allaha u naxariistee geerida Marxuum Faarax Siidow Faarax waxaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Faarax Siidow.

Marxuumka waxa uu ifka kaga tegay hal xaas iyo 13 carruur ah, waxaana magaciisa saxda ah la oran jiray Faarax Cali Faarax, balse waxa uu caan ku ahaa magaca Faarax Siidow Faarax.

Allaha u naxariistee Marxuum Faarax mar uu wareysi siiyay Telefishinka Qaranka 6-dii April sanadkii 2018-ka waxa uu sheegay in uu Qurโ€™aanka dhameeyay isagoo sideed jir ah, isla markaana uu Abtigiisa u soo raacay Muqdisho,

Sanadkii 1993-kii ayuu ku soo biiray fanka, isagoo hees u qabtay sanadkii 1965 keydka hadlaka ee Radio Muqdisho.

Marxuumka ayaa yaraantiisa waxa uu tirin jiray gabayo, isagoo suugaan u qaadi jiray Xisbigii Leegada, isla markaana waxa uu ka mid ahaa aas aasayaasha cayaaraha Hidaha iyo dhaqanka.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa fanaaninta Hobolada Qaranka ee Waaberi iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Fanaankii caanka ahaa Marxuum Faarax Siidow Faarax.

Previous Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo u kuurgalaya hirgelinta mashruuca biyoole

Next Post

Raโ€™iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed

Next Post
Raโ€™iisul Wasaare Rooble oo shacabka Soomaaliyeed uga digay khatarta cudurka COVID-19 oo soo laba kacleeyay

Raโ€™iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha,...

TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf...

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In