Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Pakistan iyo India oo heshiis xabbad joojin ah ka gaaray gobolka Kashmiir

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Pakistan iyo India oo heshiis xabbad joojin ah ka gaaray gobolka Kashmiir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Militiriga India iyo Pakistan ayaa Khamiistan maanta ku heshiiyay in ay joojiyaan rasaasta ay isku waydaarsanayaan xuduudda gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir, muddooyinkii dambe waxaa isa soo tarayay rasaasta goos gooska ah oo labada dhinac isku dhaafsanayaan gobolka, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo burbur isugu jirta, sida lagu sheegay bayaan si wadajir ah u soo saareen ciidanka.

“Iyadoo la ilaalinayo danaha labada dhinac iyo joogteynta nabadda xuduudda, labada ciidan waxay ku heshiiyeen in la xaliyo caqabadaha ku hor gudban isla markaana keeni kara isku dhac,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen militiriga labada dal.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Labadan dal dariska ah oo ku hubeysan Nukliyeer ayaa heshiis xabbad joojin ah wada saxiixday sanadkii 2003, hase ahaatee sanadihii u dambeeyay waxaa jiray isku dhacyo u  ku saabsan muranka xuduudda ay wada sheeganayaan ee gobolka Kashmiir.

Saraakiil ku sugan magaalada New Dehli ayaa sheegay in heshiiskan uu qeyb ka yahay fududeynta xaaladda cakiran ee shacabka ku heysata sohdinta kuwaas oo badanaa la kulmay rasaasta labada dhinac is waydaarsanayaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in India wali dhimin ciidankii ay soo roobtay xadka waxayna ku andacoonaysaa in ay ka hor tagayso maleeshiyaad ka soo dusa xuduudda, isla markaana ay sii socon doono howlgalada lagu baacsanayo waxa ay ugu yeereen maleeshiyo argagaxiso ah oo ka howlgasha dooxada Kashmiir.

Xagaagii hore, ciidamada India iyo Pakistan ayaa xirey xuduudda xilli cudurka safmarka ah oo halkaas ka dilaacay.

Gobolka Kashmiir waxaa uu muddo dheer ahaa xudunta khilaafka labadan dal, xiisaddan u dambeysay ayaana cirka isku shareertay markii xukuumadda New Delhi laashay is maamul hoosaadkii gobolka Kashmiir talaabadaas oo Islamabad si weyn uga jiljilatay.

Previous Post

Duqeyn lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo laga fuliyay Jubada hoose

Next Post

Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab+Sawirro

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab+Sawirro

Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab+Sawirro

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In