Saturday, August 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Pakistan iyo India oo heshiis xabbad joojin ah ka gaaray gobolka Kashmiir

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
February 25, 2021
in Wararka
0
Pakistan iyo India oo heshiis xabbad joojin ah ka gaaray gobolka Kashmiir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Militiriga India iyo Pakistan ayaa Khamiistan maanta ku heshiiyay in ay joojiyaan rasaasta ay isku waydaarsanayaan xuduudda gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir, muddooyinkii dambe waxaa isa soo tarayay rasaasta goos gooska ah oo labada dhinac isku dhaafsanayaan gobolka, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo burbur isugu jirta, sida lagu sheegay bayaan si wadajir ah u soo saareen ciidanka.

“Iyadoo la ilaalinayo danaha labada dhinac iyo joogteynta nabadda xuduudda, labada ciidan waxay ku heshiiyeen in la xaliyo caqabadaha ku hor gudban isla markaana keeni kara isku dhac,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen militiriga labada dal.

Related posts

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

August 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

August 2, 2025

Labadan dal dariska ah oo ku hubeysan Nukliyeer ayaa heshiis xabbad joojin ah wada saxiixday sanadkii 2003, hase ahaatee sanadihii u dambeeyay waxaa jiray isku dhacyo u  ku saabsan muranka xuduudda ay wada sheeganayaan ee gobolka Kashmiir.

Saraakiil ku sugan magaalada New Dehli ayaa sheegay in heshiiskan uu qeyb ka yahay fududeynta xaaladda cakiran ee shacabka ku heysata sohdinta kuwaas oo badanaa la kulmay rasaasta labada dhinac is waydaarsanayaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in India wali dhimin ciidankii ay soo roobtay xadka waxayna ku andacoonaysaa in ay ka hor tagayso maleeshiyaad ka soo dusa xuduudda, isla markaana ay sii socon doono howlgalada lagu baacsanayo waxa ay ugu yeereen maleeshiyo argagaxiso ah oo ka howlgasha dooxada Kashmiir.

Xagaagii hore, ciidamada India iyo Pakistan ayaa xirey xuduudda xilli cudurka safmarka ah oo halkaas ka dilaacay.

Gobolka Kashmiir waxaa uu muddo dheer ahaa xudunta khilaafka labadan dal, xiisaddan u dambeysay ayaana cirka isku shareertay markii xukuumadda New Delhi laashay is maamul hoosaadkii gobolka Kashmiir talaabadaas oo Islamabad si weyn uga jiljilatay.

 

Previous Post

Duqeyn lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo laga fuliyay Jubada hoose

Next Post

Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab+Sawirro

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab+Sawirro

Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab+Sawirro

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

August 2, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta shir la qaatay Waaxyaha Dacwad Oogista Xafiiska Xeer Ilaaliyaha...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

August 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cismaan Cali Faarax, inuu noqdo Maareeye...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’addu ku qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya...

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In